4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 4 , 2014
Puntland: Baarlamaanka oo Ansixiyay Xukuumadda Gaas (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 04, 2014 (HOL) — Xildhibaannada Baarlammaanka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyey golaha wasiirrada cusub ee dhowaan uu soo magacaabay Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas.

Fadhiga baarlammaanka ee maanta oo ay joogeen 55 xildhibaan, waxaa ugu horreyn  khudbad dhinacyo badan taabaneysey ka jeediyey Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas. Madaxweynuhu wuxuu xildhibaannada ka codsaday inay ansixiyaan xukuumaddiisa oo sida uu tilmaamay ah mid tayo badan qaab hufanna uu kusoo xulay.

Mudane Gaas wuxuu dhanka kale ka warbixiyey wax-qabadka xukuumaddiisa iyo dhinacyada ay diiradda saari doonto. Arrimo ay kamid yihiin: sugidda amniga, tayeynta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, dayactirka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo celinta gobollada Puntland ka maqan, ayuu sheegay inay yihiin kuwa ugu muhiimsna ee xukuumaddiisu ay dadaalka badan gelin doonto.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:-


Guddoomiyaha baarlammaanka Puntland Siciid Xasan Shire, ayaa uga mahadceliyey xildhibaannada, oggolaanshaha buuxa ee ay xukuumadda u muujiyeen iyo sida aan kalaharka lahayn ee ay codka kalsoonida u siiyeen.

Siciid Xasan Shire wuxuu dhanka kale sheegay in baarlammaanku uu si joogto ah ula xisaabtami doono xukuumadda, maadaama isla-xisaabtanku uu qayb ka yahay maamul wanaagga muhiimna uu u yahay jiritaanka dowlad walba.

Xubnaha golaha wasiirrada Puntland oo ka kooban 47, waxay isugu jiraan wasiirro, wasiir ku-xigeenno iyo weliba wasiiru-dowleyaal, iyadoo afar xubnood oo kamid ihina ay dumar yihiin.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya