4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 4 , 2014
Saraakiishii Dowladda ee lagu xiray Hargeysa oo ka hadlay xarigooda

Talaado, Feberaayo 04, 2014 (HOL) — Mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan oo maalin ka hor lagu xiray magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay sidii loo xiray, waxayna sheegeen inaysan ku socon magaalada Hargeysa, balse ay ku socdeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, si khalad ahna loo xiray.

Jaamac Maxamed Jaamac oo ah madaxa baratakoolka Villa Somalia oo la hadlay BBC-da isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in Hargeysa ay socod (transit) ku marayeen; balse aysan u socon ayna xireen booliiska garoonka magaaladaas ku sugan.

“Innagu kuma socon Hargeysa ee waxaan ku soconnay magaalada Addis Ababa oo aan hadda ku sugannahay, si aaan uga qaybgalno shir aan ku matalaynay dowladda Soomaaliya oo looga hadlayay arrimaha dalalka Afrika, waxaana nala xiray innagoo taransit ahaan ku joogna garoonka diyaaradaha ee Hargeysa,” ayuu yiri Jaamac.

Sidoo kale, mas’uulku wuxuu sheegay in markii ay muddo ku sugnaayeen garoonka la weydiiyay halka ay ku socdaan ayna u sheegeen inay Addis Ababa ku socdaan, markaas kaddibna la weydiiyay baasaboorradooda oo ahaa laba kuwa shaqaalaha dowladda ah iyo mid dublamaasi ah.

“Ciidamadu waxay naga kexeeyeen halkii aan ku sugnayn, taasoo keentay in diyaaraddii aan suganay ay duusho oo aan ka horno, markaas kaddib ayaa naloo sheegay in wasiirka arrimaha gudaha Somaliland uu amaray in la xiro,” ayuu yiri Jaamac oo sheegay in lagu xiray xabsi ku yaalla garoonka diyaaradaha Hargeysa.

Mas’uulka oo sii hadlay ayaa sheegay in wararka ay baahiyeen mas’uuliyiinta Somaliland oo ah inaan doonaynay inaan Hargeysa si dhuumaaleysi ah ku galno waa kuwo aanay waxba ka jirin oo been ah.

“Dadaallo ay sameeyeen dad ku sugan Hargeysa oo ka xumaaday xarigga naloo geystay ayaa sabab u ahaa inaan Hargeysa kasoo tagno oo aan Addis Ababa imaanno,” ayuu hadalkiisa raaciyay Jaamac Maxamed Jaamac.

Wasiirka arrimaha gudaha Somailland, Cali Maxamed Waran-cadde  ayaa u sheegay BBC-da Axaddii lasoo dhaafay inay qabteen saddex mas’uul oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo doonayay inay si dhuumaaleysi ah ku galaan Hargeysa.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay kala yihiin: Jaamac Maxamed Jaamaac oo ka tirsan madaxtooyada Somalia, Fahiima Nuur Nageeye oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia iyo C/casiis Aadan oo ah dublamaasi ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya