4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 4 , 2014
TURKIGA: Xaflad ay soo Agaasimeen Arday Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 04, 2014 (HOL) — Xaflad ay soo agaasimeen arday Soomaaliyeed oo wax ka barta Turkiga ayaa ka dhacday magaalada Ankara, taasoo ay ka qaybgaleen madax ka socotay safaaradda Soomaaliya ee dalka  Turkiga, ardayda wax-ka-barta gobollada dalka Turkiga iyo Soomaalida ku nool dalkaas.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay barnamijyo kala duwan ay ka mid yihiin ruwaayad ka turjumaysaya muhiimadda ay waxbarashadu leedahay iyo u dhabar-adeyga waxbarasha. Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay xafladda ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Somaaliyeed sida dhaantada iyo kuwo kaloo badan.

Barnamijyada aadka loola dhacay ee lagu soo bandhigay xafladan waxaa ka mid ahaa tartan aqooneed su’aalo iyo jawaabo ahaa, sidoo kalena ay ka mid ahaayeen hal-xidhalayaal iyo sheekooyin aad u xiiso badan oo dadkii kasoo qaybgalay xafladda ay is-weydaarsanayeen.

Xafladda ayaa laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo ay ugu horreyso khudbad ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo uu hoggaminayey ku-xigeenka ahna qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Axmed Daahir Maxamed (Galobal).

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Qunsulka ayaa ardayda Soomaaliyeed kula  taliyay inay aqoontooda sare u qaadan ayna ka faa’iideystaan fursadda qaaliga ah ee ay haystaan, isagoo ka dhawaajiyay in safaaraddu ay had iyo jeer garab tagan tahay ardayda Soomaaliyeed.

Xoghayaha koowaad ee safaarada, Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa isaguna ka hadlay munaasabadda, isagoo ardayda ku boorriya inay u dhabar-adaygaan waxbarashada si ay ugu faa’iideeyaan naftood, dadkooda iyo dalkooda.

Sidoo kale, waxaa isna halkaa ka hadlay arday ku hadlay afka gobollada ay ka kala yimaadeen; iyagoo ka sheekeeyay macluumad ku saabsan ardayda wax-ka-barata gobollada ay ka yimaadeen, nolol ahaan iyo wax-baraho ahaan. Waxaana ugu horreyn hadlay ka hadlay xafladda guddoomiyaha ardayda Ankara, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Caga-weyne).

Xafladda ayaa ahayd mid lagu xoojinayay isku xirnaanta iyo is-dhex-galka ardayda Soomaaliyeed ee wax-ka-barta guud ahaan gobollada dalka Turkigu uu ka kooban yahay, iyadoo kusoo gaba-gabowday jawi farxadeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya