4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2014
Kulan Baroordiiq iyo Hambalyo ah oo Minnesota ka dhacay (SAWIRO)


Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Waxaa magaalada Minneapolis lagu qabtay kulan abaabulkiisii hore ahaa in lagu taageero isbedelka Puntland, iyadoo lagu kordhiyay baroor-diiq loo sameynayo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, iyadoo kulankii uu noqday in la isku dhinac wado baroordiiq iyo hambalyo loo dirayo mas’uuliyiinta Puntland ee dhawaan la doortay.

Munaasabadda oo ay kasoo qayb-galeen dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid gobollada dalka Mareykanka isuguna jiray, cuqaal, culumo, oday-dhaqameedyo, ururrada bulshada guddoomiyaha gobolka Minnesota, Mark Dayton, xildhibaan Keith Elson, marti Sharaf ka kala socday labada xisbi ee uu ka kooban yahay gobolka Minnesota, ururrada haweenka , aqoonyahanno iyo xubno kale oo aad u badan.

Waxaa heesihii iyo ciyaarihii loo abaabulay kulanka, waxaana lagu bedelay muxaadarooyin ay jeediyeen culummada Minnesota sida Sheekh C/raxmaan Shariif iyo Sheekh C/qaadir Sancaani iyagoo ka sheekeeyay taariikhdii uu lahaa Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Sidoo kale, waxaa aad loogu mahadceliyay guddigiii soo qaban-qaabiyay xafladaas iyo wariye Jaamc Dabaraani oo ka tirsan Somali Channel TV oo halkaas kusoo diyaariyay fiidiyo dukumentari ah oo ka hadalayay guud ahaan doorashooyinkii ka dhacay Puntland iyo sidii xilalka maamulkaas loola kala wareegay.







Siyaad Saalax Siciid, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota