4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2014
Kulan looga hadlayo amniga Muqdisho oo socda iyo howlgallo billowday

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Shir looga hadlayo ammaanka ayaa ka socda caawa magaalada Muqdisho; iyadoo howlgallo saf-ballaaran ah laga billaabay qaybo ka mid ah magaalada, kaddib madaafiic caawa lagu duqeeyay qaybo ka mid ah Muqdisho.

Kulanka caawa ayaa waxaa ka qaybgalaya, wasiirrada arrimaha gudaha, amniga Qaranka, warfaafinta iyo taliyeyaasha ciidamada, iyadoo kulankan uu yahay mid ay albaabbadu u xiran yihiin laguna wado in marka uu soo dhammaado laga warbixiyo waxyaabihii looga hadlay iyo qodobbadii kasoo baxay.

Madaafiic fara badan ayaa caawa ku dhacay degmooyin ka tirsan Muqdisho, kuwaasoo aan la ogeyn halka laga soo tuuray iyo khasaaraha ay geysteen, iyadoo qaarkood ay ku dhaceen agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, ciidanka nabadsugidda iyo booliiska ayaa ka wada howlgallo saf-ballaaran ah kawada waddooyinka iyo degmooyinka Muqdisho qaarkood, iyadoo meelaha howgalladu ay ka socdaan uu ka mid tahay jidka Maka Al-Mukarama halkaasoo lagu arkayo gaadiid ciidan oo si xowli ah ku socda.

Xaaladda Muqdisho ayaa hadda daggan, waxaase xiran dhammaan goobihii ganacsiga oo qaarkood furnaan jiray illaa saqda dhexe habeenkii, iyadoo gaadiid aad u tiro yar lagu arkayo waddooyinka.

Saraakiisha hay'adaha ammaanka ayaan ka hadlin howlgallada socda iyagoo sheegay inay ka hadli donaan marka ay soo gaba-gabeeyay, iyadoo degmooyinka ay howl-galladu ka socdaan ay ka mid yihiin Yaaqshiid iyo Huriwaa.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in madaafiicda caawa ku dhacday degmooyinka Muqdisho ay yihiin kuwo lagu doonayo in shacabka lagu qal-qal-geliyo, hase yeesheen aanay kooxaha weerarkan ka dambeeyay marna cabsi-gelin karin shacabka, isagoo mas'uuliyadda duqeyntii caawa dusha kaga tuuray Al-shabaab.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay duqeymihii caawa Muqdisho ka dhacay, waxaase ciidamada la sheegayaa inay ciidamada dowladdu caawa gaareen goobo ka baxsan magaalada oo ay ka mid yihiin qubuuraha Barakaat oo waqooyi magaalada ku yaalla.

Caawa ayaa noqonaya habeenkii labaad oo weerarro qaraxyo ah ay ka dhacaan Muqdisho, iyadoo la xusuusto in xalay qaybo magaalada ka mid ah laga maqlay qaraxyo waa-weyn, iyadoo dadka magaalada ay arrintan cabsi weyn ku beertay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya