4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2014
Xildhibaan Difaacay eed loo jeediyay Xoghayaha Maamulka Boorame

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Boorama ayaa xoghayaha dowladda hoose ee Boorama ka difaacay eedo loo mariyay warbaahinta, isla markaana sheegay inaanay jirin wax is-qabqabsi ah iyo kala qaybsanaan ka dhex jirta xildhibaannada golahaas.

Xildhibaan, Xasan Muxumed Cumar (Bisle) ayaa waraysi uu siiyay qaar ka mid ah saxaafadda meesha kaga saaray eedo ku saabsanaa in xoghayaha dowladda hoose ee Boorama la saftay maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, taasin ay keentay kala qaybsanaan soo dhex-gashay golaha.

“Dambi ma ahan ee waa shaqadiisa in mar kastaba la shaqeeyo cidda haysa maamulka magaalada ama guddoomyaheeda, sababtoo ah wuxuu sheegayo waa uun shaqada uu golaha u qabtay inta uu xilka hayay oo kaba yar laba bilood. Waxaan leeyahay cidda maanta  eedeynaysa xoghayuha waa cid aan doonayn in tallaabo maamul oo horumar leh la sameeyo, doonaysana in la is-haysto oo aan ummadda loo adeegin,” ayuu yiri xildhibaan Xasan Bisle oo eedeynta ka hadlayay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu mar kale yiri: “Maalin walba waxaa la yiraahda waa la is-haystaa oo maayarka iyo ku-xigeenkiisaa is-haysta ee kala qabta, waxaan leehay way jirtay in mar uu khilaaf soo dhexgalay, si nabadgalyo ah ayaana loo dhameeyay, mana aha in la sii wad-wado waxaan macno lahayn, sidaa darteed waxaan kula talinayaa walaalahayga golaha ka mid ah in la ilaaliyo anshaxa shaqo iyo anshaxa golaha; meeshana laga saaro wax kasta oo xiisad ka dhex abuuri kara golaha, xogahayana lagu garab-galo hawlaha uu dowladda dhexe iyo dadweynaha magaalada u hayo.”

Sidoo kale xildhibaanku wuxuu sheegay in shalay la lahaa xoghayaha ha la beddelo waana la bedelay oo midkan cusub ee la eedeynayo ayaa la keenay, laba bilood isagoo aan shaqeyn ayaa haddana la leeyahay waa sidan iyo waa sidan, waxaana ku talinayaa in waddaniyad la muujiyo lagana fogaado eed la soo jeediyo.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, khilaafka ka dhexeeya golaha fulinta dowlada hoose ee Boorama ayaa wali u eg mid taagan oo aan xal loo helin; waxaana dadwaynuhu badankood ka dhursagayaan sida uu xaalku isku bedelo marka uu yimaado maayarka oo hawlo shaqo uga maqan magaalada Boorame.

Khadra Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia