4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2014
Shirweynaha Baydhabo ka socda oo lagu doortay Guddoomiye cusub

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Ergooyinka ka qaybgalaya shirweynaha maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta u doortay guddoomiyaha aqalka sare ee golaha guurtida shanta sano ee soo socota, Xasan Shuri Maxamuud oo horey u ahaa guddoomiyha nabaddoonnada Digil iyo Mirifle.

Maalinta beri ayaa lagu wadaa in la doorto ku xigeennada golaha guurtida maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya. Iyadoo isla berri la sugayo inay Baydhabo gaaraan wafuud ka kala socota dowladda Soomaaliya iyo xubno uu ka mid yahay ergyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay.

Dhanka kale, xalay waxaa Baydhabo lagu dilay ruux lagu magacaabi jiray, Xuseen Cali Xuseen (Mad Qooley), iyadoo la sheegay inay dileen ciidamada AMISOM ee ku sugan garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Marxuunka la dilay ayaa waxuu la shaqeyn jiray ciidamada AMISOM kaasoo u soo gadi jiray alaabooyinka ay u baahan yihiin sida Moobeyllada, kaararka hadalka iyo qalabka electaroonigga ah , sidaad daraadeed lama oga sababta ay u dileen iyagoo uu xiriir fiican ka dhaxeeyay.

Ehallada maxuumka ayaa la kulmay maanta madaxda ciidamada AMISOM ee Baydhabo, iyagoo sheegay inay dacwad ka fureen dilka marxuumka xalay loogu geystay Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo