4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2014
Faah faahin ku saabsan dagaal saaka ka dhacay Buuraleyda Galgala

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa dagaal aroornimadii hore ee saaka ka dhacay agagaarka tuulada Galgala oo ku taalla Buuraha Golis, taas oo qiyaastii 55km u jirta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dagaalka oo socdey ku dhowaad muddo saddex saacadood ah, wuxuu bilowday kaddib markii dagaal-yahanno Shabaabka ka tirsani ay soo weerareen fariisimo ay deegaannadaas ku leeyihiin guutooyin ka tirsan Ciidamada Daraawiishta ee Puntland.

Abbaanduulaha Ciidamada Daraawiishta ee ku suggan aagga tuulada Galgala G/le. Maxamed Saleebaan Caabi, oo la hadlay Idaacadda Daljir ee magaalada Boosaaso, ayaa ka warbixiyey sida ay saaka wax u dhexeen.

Wuxuuna sheegay in dagaalku uu ku bilowday hoobiyeyaal ay xoogagga Al-shabaab kusoo garaaceen fariisimaha ciidamada Puntland, iyadoo intaas kaddibna dagaal fool-ka-fool ah oo muddo saacado ah socdey uu labada dhinac dhex maray.

G/le. Maxamed Saleebaan Caabi oo ka hadlayey khasaaraha labada dhinac kala gaarey, ayaa sheegay in dhanka Puntland ay laba askari oo keliya ka dhaawacmeen dhanka Al-shabaabna ay labo ka dileen tiro intaas ka badanna ay ka  dhaawaceen.

"Aroortii ayey hoobiyeyaal soo bilaabeen, kaddibna ciidamadu foodda ayey isla galeen, muddo dhowr saacadood ah ayey xabaddu socotey...xaggeenna waxaa soo gaaray dhaawac labo askari ah, xaggooda labo meyd ah meesha ayey yaallaan dhaawac badanna way qaateen..." G/le Caabi ayaa sidaas yiri.

Ma jiro wax war ah oo dagaalkan ku saabsan oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab, waana iska-hor-imaadkii labaad ee muddo toban maalmood gudahood ah ciidamada Puntland iyo Al-shabaab ku dhex mara agagaarka tuulada Galgala ee gobolka Bari.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya