Mas'uuliyiin Somaliland ka tirsanaa oo Puntland u goostay (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ee gobolka Sool, kuwaas -oo sida ay sheegeen- soo goostay, ayaa maanta si diirran duleedka magaalada Garoowe loogu soo dhoweeyey.

Mas'uuliyiintan oo ay tiradoodu labo tahay, laguna kala magacaabo Mukhtaar Mahad Cawad iyo Cabdalle Digaale Cali, waxay ka tirsanaayeen golaha deegaanka ee degmada Laas-caanood.

Madax ka tirsan maamulka Puntland oo ay kamid yihiin: wasiirka ganacsiga Maxamed Xasan (Soo-cadde) iyo wasiirka kalluumaysiga C/nuur Cilmi Maxamuud (Biindhe) ayaa soo dhoweynta ka qayb qaatay.

Labada mas'uul ee dhinaca Puntland usoo goostay oo warbaahinta si kooban ula hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in sannado kaddib ay Garoowe dib ugu soo laabteen.

Caddaalad darro iyo musuq maasuq ay sheegeen inuu ka jiro dhanka Somaliland ayey ku micneeyeen inay tahay sababta ugu weyn ee ku kalliftay inay kasoo tagaan xilalkii ay hayeen.

Ugu dameyntiina waxay sheegeen, inay ka go'an tahay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarka Puntland iyo weliba sidii loo soo celin lahaa deegaanada Puntland ka maqan ee xilligan uu maamulka Somaliland ka arrimiyo.

Sanadkan 2014, waa markii ugu horreysey oo mas'uuliyiin horay uga tirsanaa maamulka Somaliland ay Puntland isu soo dhibaan.

Siyaasiyiin badan oo xilal ka heyn jirey dowladihii hore ee Puntland iyo qaar ka qayb galay doorashadii madaxtinimada Puntland ee sanadkii 2009, ayaa horay ugu biiray maamulka Somaliland.




Sawirrada: Imaan Maxamed, Hiiraan Online

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
xaajidirir@hiiraan.com
Puntland, Soomaaliya






Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Waxaa magaalada Minneapolis lagu qabtay kulan abaabulkiisii hore ahaa in lagu taageero isbedelka Puntland, iyadoo lagu kordhiyay baroor-diiq loo sameynayo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, iyadoo kulankii uu noqday in la isku dhinac wado baroordiiq iyo hambalyo loo dirayo mas’uuliyiinta Puntland ee dhawaan la doortay.

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Shir looga hadlayo ammaanka ayaa ka socda caawa magaalada Muqdisho; iyadoo howlgallo saf-ballaaran ah laga billaabay qaybo ka mid ah magaalada, kaddib madaafiic caawa lagu duqeeyay qaybo ka mid ah Muqdisho.

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Boorama ayaa xoghayaha dowladda hoose ee Boorama ka difaacay eedo loo mariyay warbaahinta, isla markaana sheegay inaanay jirin wax is-qabqabsi ah iyo kala qaybsanaan ka dhex jirta xildhibaannada golahaas.

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Ergooyinka ka qaybgalaya shirweynaha maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta u doortay guddoomiyaha aqalka sare ee golaha guurtida shanta sano ee soo socota, Xasan Shuri Maxamuud oo horey u ahaa guddoomiyha nabaddoonnada Digil iyo Mirifle.

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa dagaal aroornimadii hore ee saaka ka dhacay agagaarka tuulada Galgala oo ku taalla Buuraha Golis, taas oo qiyaastii 55km u jirta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa caawa ku dhacay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho, waxaana qaarkood ay ku dhaceen agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii labaad oo ay yeeshaan guddiga hagidda iyo socod-siinta hay’adda dib-u-dhiska iyo horumarinta Somalia ee loosoo gaabiyo (SDRF).

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Wasiiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland ayaa sheegay inay xayiraad ku soo rogeen Telefishanka UNIVERSAL, isla markaana aanu ka hawlgali Karin guud ahaan dhulka Somaliland.

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa albaabbada isugu dhufatay xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Waxaa maanta dib loo dhigay ansixinta xukuumadda cusub ee Puntland, waxaana qorshuhu uu ahaa in madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas uu horgeeyo baarlamaanka.

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Hay'adda samafalka Shabeelle Foundation oo ka mid ah hay'addaha maxaliga ah ee ka howlgala magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa todobaadyadii ugu danbeeyayba waday mashaariic wax tar u leh dadka dan-yarta ah, gaar ahaan beeraleyda iyo caruurta ka soo jeeda qoysaska saboolka ee aan waxba heysan.

Isniin, Feberaayo 3, 2014 (HOL) —Dagaal ayaa goor hore oo saaka ah ka dhacay meel qiyaastii 50km koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo uu ku jiro mid ka mid ah saraakiisha booliiska Kenya ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad muddo kooban socday oo magaalada Mombasa ee dalka Kenya ku dhexmaray booliiska dalkaas iyo dhallinyaro muslimiin ah.

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay xoogga saari doonto sidii ay wax uga qaban lahayd ammaanka guud ee dalka.

Somali News

2/3/2014 3:54 PM EST
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has criticized the Somaliland administration – which has officially banned privately-owned Universal TV from operating in its territory – and accused authorities of attempts to stifle free media.

2/3/2014 3:21 PM EST
A contingent of UPDF troops serving under the African Union peacekeeping Mission in Somalia (AMISOM) has returned. Another contingent has been sent.

2/3/2014 3:00 PM EST
Mogadishu (HOL) - For the 3rd successive day, people in some southern regions have been denied access to telephone services, from the biggest network provider in Somalia, the Hormuud Telecom, after AlShabaab fighters ordered the company to go off air.

2/3/2014 2:30 PM EST
Thousands of Ethiopians will be deployed as part of an African Union peacekeeping mission, worrying many in Somalia.

2/3/2014 2:18 PM EST
Before departure from Nairobi, we were asked to sign a document indicating our next of kin and who else should be informed in case anything happened to us. It’s eerie signing off such detail but such is our job at times.

2/3/2014 1:35 PM EST
NAIROBI, Kenya, Feb 3 – Four terror suspects believed to have been behind the attack that occurred at a restaurant at the Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) have been charged in Court.

2/3/2014 1:34 PM EST
A lesbian couple’s adoption of a Muslim child was put on hold yesterday following demonstrations outside a town hall.

2/3/2014 11:53 AM EST
Mombasa (Kenya) (AFP) - More than 100 people arrested after deadly rioting following a police raid on a Kenyan mosque were charged Monday for being members of Somalia's Al-Qaeda linked Shebab insurgents.

2/3/2014 11:34 AM EST
The Somali national team took part in the 2014 Bandy World Championship in Irkutsk on Feb. 2. Bandy, also known as Russian hockey, or ice hockey with a ball, is popular in Russia and the Scandinavian countries.

2/3/2014 1:45 AM EST
Kenya: Interior Cabinet Secretary Joseph Ole Lenku’s advice to Kenyans to ignore warnings on social media might have sprung from genuine concern over possible hoaxes that could strain police resources to fight crime.

2/3/2014 1:37 AM EST
At least three people have been killed and 7 others wounded in a remote-controlled mine blast at a tea shop in the town of Beled Hawo, south of the country on Sunday afternoon, government officials confirmed.

2/3/2014 1:08 AM EST
As cyber-currency magnates promote bitcoins festooned with hypnotic barcodes, spare a thought for the officially non-existent nation of Somaliland.

2/3/2014 12:46 AM EST
Transporting “jihad’s white gold” from the African bush to Asian cities is no small feat, but under the watchful eyes of the Somali Islamist militant group al-Shabaab, but the process runs like clockwork.

2/3/2014 12:32 AM EST
Authorities in the breakaway republic of Somaliland have confirmed the brief arrest of three Somali government officials after they were intercepted at the Egal International Airport in the capital Hargeisa late on Saturday.

2/3/2014 12:06 AM EST
MOMBASA, Kenya (AP) — Police opened fire on Muslim youths wielding daggers at a mosque linked to recruiting Islamic extremists, and at least one officer and a young man were killed Sunday, witnesses and officials said in the coastal resort and port city of Mombasa.
Click here