4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2014
Al-shabaab oo Xirtay Xarumaha Shirkadda Hormuud ee Jubbooyinka

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa albaabbada isugu dhufatay xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.

Gobollada Jubbooyinka ayaanay jirin wax taleefoonnada horumuud ah oo ka shaqeynaya tan iyo shalay subax, iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee keentay in Shabaabku ay hawada ka saaraan isgaarsiinta shirkaddan.

Wararka laga helayo gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in Al-shabaab ay xirxiray tiro ka mid ah shaqaalaha shirkadda horumuud gaar ahaan kuwii ku sugnaa xarumaha shirkadda ay ku leedahay gobolkaas oo ay gacanta ku hayso kooxdan.

Shaqaalaha la xirxiray ayaa waxaa ku jira madaxii xarunta shirkadda ee degmada Jilib oo lagu magacaabo, Maxamuud Xaaji Salaad, iyadoo aysan jirin war ah oo xiridda shaqaalaha iyo xarumaha shirkadda Hourmuud ay Al-shabaab ka soo saartay.

Deegaannada laga waayay adeegga isgaarsiineed ee shirkadda Hormuud ayaa waxaa ka mid ah magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo uu gacanta ku hayo maamulka KMG ah ee Jubba oo ka mid ah maamullada hoos-yimaada dowladda federaalka Soomaaliya.

Maamulka shirkadda Hormuud ayaan weli ka haldin sababaha keenay in la xiro xarumahooda Jubbooyinka, iyadoo la xusuusto in Al-shabaab ay horay ugu soo rogtay shirkadda inay xirto taleefoonnada gacanta laga isticmaalo ee Mobile-ka loo yaqaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya