4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2014
Baarlamaanka Puntland oo dib u dhigay Ansixinta Xukuumadda cusub

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Waxaa maanta dib loo dhigay ansixinta xukuumadda cusub ee Puntland, waxaana qorshuhu uu ahaa in madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas uu horgeeyo baarlamaanka.

Arrintan ayaa la sheegay inay timid kaddib markii xildhibaannada ay yeesheen kulaan gaar ah oo ay uga arrinsanayeen in xukuumadda loogu coddeeyo hanaanka gacantaagga, qarsoodiga ah iyo in mid mid xasaanad loo siiyo wasiirrada, taasoo ah mid dastuuri ah.

Xildhibaan ka mid ah kuwa maanta kulanka yeeshay ayaa HOL u sheegay inay mudanaayshu wax iska weydiiyeen qabka ay u dhici doonto codeynta xukuumadda cusub ee Puntland.

Doodda xildhibaannada waxaa la sheegay in illaa 40 xildhibaannada golaha baalamaanka ka mid ah ay isku raacen in si isku mid ah loogu codeeyo wasiirrada cusub ee Puntland, sidoo kale in loo maro hab gacan-taag ah codka kalsoonida loogu siinayo xukuumadda.

Qorshaha wuxuu yahay in maalinta berri ah oo Talaado ah madaxweynaha C/wali Maxamed Cali Gaas uu horgeeyo xukuumaddiisa baarlamaanka kuwaa oo codka u qaadaya, haddii ay meel mariyaana waxay guda-geli doonan shaqadooda.

Qaar ka mid ah wasiirrada cusub ee xukuumadda qeybta ka ah ayaa HOL, dhankooda u sheegay inay rajo wanagsan ka qabaan inay baarlamaanku u meel-mariyaan maadaama sida ay sheegeen xilligan ay doonayan isbedel ka dhasha dalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa horay u sheegay in xukuumadda cusub ay sugayaan Isniinta maanta ah balse cilad farsamo ay arrinta dib ugu dhacday ayaa la sheegay, waxaana guddoomiyuhu uu ammaanay habka uu kusoo dhisay madaxweynu xukuumadda cusub.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya