4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2014
Hay'ada samafalka Shabeelle oo Mashaariic ka billowday Beledweyne


Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Hay'adda samafalka Shabeelle Foundation oo ka mid ah hay'addaha maxaliga ah ee ka howlgala magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa todobaadyadii ugu danbeeyayba waday mashaariic wax tar u leh dadka dan-yarta ah, gaar ahaan beeraleyda iyo  caruurta ka soo jeeda qoysaska saboolka ee aan waxba heysan.

Dadka ku dhaqan hareeraha wabiga Shabeelle oo ah dad nolashoodu ku tiirsan tahay tacbashada beeraha ayeey bilaawday hay'adda Shabeelle Foundation in ay ka caawiso sidii biyo xirreen loogu sameyn lahaa meelaha wabigu ka soo fataho xili roobaadka, kuwaa oo cagta mariya dalaga ku yaala beeraha.

''Aad ayaan ugu faraxsannahay mashruuca ay nagu caawineyso hay'adda Shabeelle Foundation, waayo beeraleyda waxaa ay dhibaato xoog leh kala kulmaan inta badan biyaha ka soo fataha wabiga Shabeelle xili roobaadka, kuwaa oo baabi'iya wixii miro ahaa ee beeraha ku yaallay,'' ayuu yiri Garaane Ibraahim Cabdi oo ka mid ah dadka ka faa'ideysanaya mashruucan.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in ay jiraan dad dan'yar ah oo aan awoodin in ay tabcadaan dhulka, madaama aysan heli karin abuurkii ay ku tabci lahaayeen, sidaa daraadeed waxaa uu dalbaday in dadkaasi laga caawiyo dhinaca miraha si ay dhulka u beertaan.

''Dhibaatooyinka kale ee jira waxaa ka mid ah dadka oo aan awoodin in hellaan mirihii ama dalagii ay beeran lahaayeen, sidoo kale dhinaca matoorada dhibaato ayaa ka taagan, waayo wali inta badan beeraleyda ku dhaqan jiinka wabiga ama hareeraha wabiga waxaa ay isticmaalaan matooro duqoobay oo duug ah oo aan awoodin in ay biyaha dibada uga soo saaraan wabiga, sidaa daraadeed waxaa codsaneynaa in dhinacaasna nalaga caawiyo,'' ayuu yiri Gaarane Ibraahim Cabdi.

Mas'uul u hadllay hay'adda Shabeelle Foundation ayaa sheegay in qorshahan socda uu yahay mid bilow ah, sidaa daraadeed bilaha soo socda la balaarin doono, isaga oo intaa ku darray in ay gar-waaqsan yihiin dhibaatooyinka xiligan heysta dadka beeraleyda ah.

''Qorshan hadda socda cid nagu caawineysa ma jirto, waa mashruuc hay'addu si iskeed ah u bilaawday kadib markii ay aragtay dhibaatada biyaha soo fataha ay ku hayaan dadka beeraleyda ah, laakiin waxaan fileynaa mustaqbalka dhaw in wax badan laga qabto guud ahaanba baahiyaha kala duwan ee jira,'' ayuu yiri mas'uulka u hadllay hay'adda.

Ma'aha oo kaliya dadka ay caawineyso hay'adda beeraleyda, ee sidoo kale waxaa qeyb ka ah kaalamo ay siineyso caruurta saboolka ah ee wax ka barata dugsiyada lacag la'aanta ah, waxaana ay dhawaan quudin u sameysay caruur dhan 215, kuwaa oo ka soo jeeda qoysas dan'yar ah.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya