4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2014
Ciidamada Puntland iyo xoogagga Al-shabaab oo saaka dagaallamay
Isniin, Feberaayo 3, 2014 (HOL) —Dagaal ayaa goor hore oo saaka ah ka dhacay meel qiyaastii 50km koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dagaalka oo khasaare dhaliyey, wuxuu dhex maray ciidamada ammaanka ee Puntland iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab, gaar ahaan kuwa uu fadhigoodu yahay buuraha Golis.

Ma cadda khasaaraha labada dhinac kala gaarey, haseyeeshee waxaa isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso lasoo gaarsiiyey dhaawaca labo askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Puntland. Dhanka kale -sida aan wararka ku heleyno- dhimasho labada dhinac ah ayaa jirta inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee dadka dagaalkaas ku geeriyoodey.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dagaal-yahanno ka tirsan Shabaabku ay saddex aag kasoo weerareen fariisimo ay ciidamada Daraawiishtu ku leeyihiin deegaanno hoos taga tuulada Galgala.

Saraakiisha laamaha ammaanku weli kama hadlin dagaalka saaka ka dhacay agagaarka tuulada Galgala , haseyeeshee faah faahinta wixii kasoo kordha wararkeenna dambe ayaan idiinku soo gudbin doonnaa.

Sanadkii tegey ee 2013, waxaa isla deegaanka maanta lagu dagaallamay ka dhacay iska-hor-imaadyo tira badan oo dhex maray ciidamada Puntland iyo Al-shabaab, dagaalladaas oo inta la xaqiijiyey ku dhowaad 50 qof oo labada dhinac ka kala tirsanaa ay ku geeriyoodeen.

Dagaalka maanta ayaa ah kii labaad ee halkaas ka dhaca tan iyo bilowgii sanadkan cusub ee 2014. Bishii hore ee Janaayo 25-keedii, ayey ahayd markii ugu dambeysey ee halkaas uu dagaal xooggani labada dhinac ku dhex maray, kaddib markii ciidamada Puntland ay weerareen goobo fariisin u ahaa xoogagga Al-shabaab.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya