4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2014
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka Warbixiyay Howlaha Horyaalla


Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay xoogga saari doonto sidii ay wax uga qaban lahayd ammaanka guud ee dalka.

C/weli Sheekh oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in howsha ay ka bilaabayaan meel wanaagsan, maadaama xukuumadihii ka horreeyay ay howlo wanaagsan qabteen.

“Howsheenna waa mid meel wanaagsan aan ka billaabayno, waxaana si aad ah xoogga u saaraynaa sugidda ammaanka dalka iyo sidii ururka Al-shabaab aan uga saari lahayn deegaannada ay ku sugan yihiin,” ayuu wareysigiisa ku sheegay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh.

Ra’iisul wasaaraha oo la weydiiyay halka ay ammaanka ka billaabayaan ayaa sheegay inay xoojinayaan marka hore ciidamada nabadsugidda iyo kuwa milateriga si ay awood ugu yeeshaan inay kuwa dhibka wada ka hortagaan.

“Sannadka 2014-ka waxaan rajeynaynaa inuu noqdo sannad aan ammaanka guulo ka gaarno, markaas kaddibna aan u gudbno sidii aan u hirgelin lahayn federaalka; aftina loogu qaadi lahaa dastuurka,” ayuu ra’iisul wasaaruhu ku daray hadalkiisa.

Mar la weydiiyay in lagu wargeliyo duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka geystaan Soomaaliya ee lagu bartilmaameedsado saraakiisha Al-shabaab, ayuu ku jawaabay:

“Runtii dalalkaas iyo ciidamadeenna amniga wadashaqeyn ayaa ka dhexeysa waana lagu soo wargeliyaa markii howlgallo noocaas oo kale ah la fulinayo. Qorshuhuna waa in dadka laga qabto kuwa bambooyinka dhigaya goobaha dadku isugu yimaadana iyo suuqyada, awooddoodana la wiiqo.”

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha oo wax laga weydiiyay in shacabku ay ka cabanayaan ciidamada dowladda oo dhibaatooyin u geysta, ayaa sheegay in dadka dhibaatooyinka geysanaya aysan ahayn ciidamada dowladda ee ay yihiin kuwo direyskaood xirta, howlgallo la sameeyayna wax weyn ayaan isku bedelay, halkaas ayaan kasii wadaynaa kolley dhaqso kuma dhamaan karaane.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya