4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 28, 2014
Mas'uuliyiin ka Tirsan Maamulka Magaalada Baydhabo oo la Xiray

Jimco, February 28, 2014 (HOL) - Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow) oo ah Gudooomiye ku xigeenka Degmada Baydhabo iyo Xogayaha Dowlada Hoose ee Degmada Baydhabo Axmed Maadeey Qadiid ayaa Maanta loo Taxaabey Xabsiga dhexe ee Degmada Baydhabo.

Labadaan mas'uul ayaa ku dagaalamay lacag  canshuur ah oo laga soo aruurinayo shacabka , kadibna waxaa israsaaseeyey ilaalada labada mas'uul. Dhawaaqa rasaastaas ayaa laga maqleyey magaalada oo dhan..

Gudiga  iyo saraakiisha nabadgelyada Gobalka Baay oo ay hor kacayeen Ciidamada AMISOM ayaa arrintaan soo faragaliyey, waxayna halkaas ka taxaabeen labadii mas'uul oo halkaas ku dagaalamay ayaga oo hadda ku sugan xabsiga dhexe ee degmada Baydhabo.

Dhinaca kale Magaalada waxaa kasocda labo shirweyne oo Dowlad gobaleed loogu sameynayo dadka dega Koonfur galbeed , shirarkaasi waxay ku dhow yihiin Gebo gebo oo magaalada goobaha ganacsiga iyo Baabuurta ayaa waxaa lagu dhejiyey Sawirada Musharaxiinta Madaxweynayaasha Dowlada Gobaleedka Koonfur galbeed ee 6 Gobal iyadoo qaybta kale Maamul usameynta 3 Gobalna ay wadaan shir kaas la mid ah oo isagana ku dhow gabagabo

Hiiraan online , Baydhabo