4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 28, 2014
Siilaanyo oo si Kadis ah ku Booqday Suuqa Hargeysa (SAWIRRO)


Jimco, Feberaayo 28, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa maanta salaadii jimce ka bacdi kormeer kadis ah ku tagay badhtamaha suuqa weyn ee magaaladda Hargeysa.

Madaxweynaha oo aan wadan ciidamadii tiknimada ahaa iyo ciidankii faraha badnaa ee lagu yaqaan ayaa salaadii jimce kula tukaday dadweynaha  masjidka Cali Mataan ee badhtamaha magaaladda Hargeysa ku yaalla,ka dibna salaadii jimce waxa uu kormeer ku tagay goobaha ganacsiga sida ganacsatadda sarifka lacagaha, Dabahka iyo wadooyinka cusub ee dib loo dayactiray.

Madaxweynaha oo dadweynaha dhex lugaynayey ayaa dadweynihii goobaha uu marayey ka ag dhowaa la arkayey iyagoo dabacaayey si ay salaan ula gaadhaan.

Madaxweynaha waxa la socday taliyaha booliska  Cabdilaahi Fadal iyo Taliyaha ciidanka Madaxtooyada Faysal Kaamil oo aan wadan astaan ciidan iyo dirayskii ciidamadda, balse xidhnaa dhar shacab oo aan laga garanayn dadweynaha la socday madaxweynaha iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in safarkan gadiska ah ee uu ku tagay suuqa weyn ee badhtamaha magaaladda Hargeysa inuu u kuurgalayey xaaladda kala duwan ee shacabku ku sugan yahay, haddii ay noqon lahayd mid ganacsi iyo mid nololeedba.

“Kormeerkani waxa uu daba socdaa ka war haynta iyo xogogal u noqoshada shacbiga, isaga oo Madaxweynuhu xiliyada ku haboon ku soo maro meelaha ay shacbigu u badan yahay ama ganacsiga, isaga oo madaxweynuhu ka duulaya masuuliyada shacbiga, ayuu go'aansaday inuu la qaato Farxada maalinta Jimce ee ay Shucuubta Caalamu-islaamku ay kaga nasanayaan  shaqooyinka gaar ahaan Shacbiga Caasimada Hargeysa meelo badana lug ku tagay”ayaa lagu yidhi qoraal madaxtooyadda ka soo baxay oo lagaga hadlay safarka gadiska ah ee uu ku tagay suuqweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynihii masjidka ku tukanayey iyo kuwii uu sida kadis ah kula kulmay goobihii ganacsiga ayaa u qaadan waa ku dhacay ka dib markii si kadis ah uu madaxweynuhu ugu yimid goobtii ay ka shaqaynayeen iyo masaajidkii dadweynaha, waxaanu madaxweynuhu markii uu safarkiisa dhamaystay raacay gaadiidka caadiga ah oo aan ahayn kuwii madaxweynaha qaata ee inta badan lagu bartay  wakhtiyada uu xafiiskiisa ka baxayo.

Kormeerkani maaha kii ugu horeeyey ee uu ku baxo madaxweynuhu,  balse waxa uu goor jeer wakhtiyo kala duwan oo habeeni iyo maalinba iskugu jira ku tagay goobaha dadweynaha iyo suuqa, taas oo dadweynuhu soo dhoweeyeen safarada noocan oo kale ah.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland