4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 28, 2014
Dowladda oo Ciidammo suga Ammaanka geysay Degmada Huriwaa

Jimco, Feberaayo 28, 2014 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa ciidammo fara badan geysay degmada Huriwaa oo ku taalla dhinaca waqooyi ee Muqdisho kaddib todobaadyo ay degmadaas ka jireen falal ammaan-darro ah.

Horraantii bishan Feberaayo labo habeen oo isku xigta ayay Al-shabaab waxay ku ridday madaafiic kjala duwan deegaanno ku dhow madaxtooyada Soomaaliya oo ah halka ay ku shaqeeyaan madaxda dowladda, taasoo cabsi weyn gelisay shacabka Soomaaliyeed.

Degmada Huriwaa ayaa waxaa iyadana ka jiray falal amni-darro oo ay kooxda Al-shabaab geysanaysay xilliyada habeenkii ah, waxaana dhawaan shacabka ku nool degmadaas ay billaabeen qaarkood inay isaga barakacaan.

Guddoomiyaha degmada Huriwaa, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa isna ka digay dhawaan inay degmadaas qarka u saaran tahay inay faraha ka baxdo, taasoo keentay inay dowladdu u dirto ciidammo fara badan si ay amniga degmadaas dib ugu soo celiyaan.

“Dowladdu ciidammo badan ayay geysay Huriwaa, si looga hor-tago ammaan-xumada ay geysanayaan kooxaha nabadda kasoo horjeeda,” ayuu yiri Jacfaan oo intaas ku daray in degmadu ay halis u gashay inay Al-shabaab la wareegto balse tani ay tahay mid arinkaas looga hortagayo.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa isagana u sheegay warbaahinta u sheegay inay dad badan amni-darro uga carareen qaar ka mid ah xaafadaha degmadaas, isagoo sheegay inaan la xaqiijin karin tirade dadka ka barakacay degmadaas.

"Waa waxaan la aqbali karin in amniga Muqdisho uu xumaado," sidaas waxaa u sheegay warbaahinta guddoomiye ku-xigeenka amniga ee maamulka gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo intaas ku daray. "Si wax looga qabto amaanka degamada Huriwaa waxaan u dirnay ciidammo ka hortaga tallaabooyinka ay Al-shabaab geysanayso."

Sidoo kale, Warsame Joodax ayaa sheegay inuu ku rajo weynyahay in ciidamada la geeyay degmadaas ay amniga dib u soo celin doonaan, isagoo yiri: "Waxaan si adag uga hortegi doonnaa dagaallamaynaa falalka amni-darrada ah ee caasimadda ka jira."

Mid ka mid ah dadka ku nool Huriwaa oo lagu magacaabo, Daahir Guuleed oo 54-jir ah ayaa u sheegay shabakadda Sabahi Online in al-Shabaab ay habeenkii ka fuliso degmadaas falal ammaan-darro oo ay ku cabsi-gelinayaan shacabka, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay si buuxda ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

"Xaafadaha degmada kama jirin kormeer habeenkii ah waana sababta ay kooxdan dhibaato u kicinaysay mar walba," ayuu yiri Daahir. "Al-Shabaab waa dhibaato loo soo diray shacabka Soomaaliyeed, waxaanan hadda helnay dawadeedii maadaama ay xukuumaddu ciidamo ku filan u soo dirtay degmada."

Ururka Al-shabaab oo Muqdisho isaga baxay sannadkii 2011 ayaa waxay xoojisay falalka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee ay ka geysanayso gudaha Muqdisho, iyadoo afhayeenno u hadlay ay sheegeen inay xoojinayaan weerarrada ay sida tooska ah ula bar-tilmaameedsanayaan xarumaha dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya