4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2014
Soomaaliya oo heshiis iskaashiga ciidamada ah la saxiixatay Turkiga

Jimco, Feberaayo 28, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa heshiis iskaashi ciidamada ah la gashay dalka dalka Turkiga, iyadoo heshiiskan uu dhinaca Somalia u saxiixay taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe).

Saraakiil ka socota wasaaradda difaaca dalka Turkiga oo booqasho ku yimid Muqdisho ayaa dhinaca Turkiga u saxiixay heshiiskan, kaasoo noqonaya kii ugu horreeeyay oo Turkigu uu si gaar ah ugu tababari doono ciidamada xoogga dalka.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jen. Indha-qarshe ayaa saraakiisha Turkiga ka socda kala hadlay sidii dowladda Turkiga ay uga qaybqaadan lahayd dhimaha ciidamada xoogga dalka, isagoo ku sheegay heshiiskan inuu yahay mid dhabaha u xaaaraya sidii ay Soomaaliya ku yeelan lahayd ciidammo milateria ah oo awood leh.

“Waxaan wasaaradda difaaca Turkiga la galnay heshiis dhigaya sidii ay ciidamadeenna xooggan ugu siin lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya tababar, iyagoo meel hoos kasoo bilaabaya dhismaha ciidanka xoogga dalkeenna,” ayuu yiri taliyaha ciidamada xoogga dalka.

Heshiiskan cusub ayaa ah mid xoojinaya heshiis ay labada wasaaradood ee difaaca Somalia iyo Turkiga ay horay u kala saxiixdeen, kaasoo ay horay u meel mariyeen baarlamaannada labada dal ee Somalia iyo Turkiga.

Sannadkii lasoo dhaafay ee 2013 ayay labada galeen heshiis hordhac ah oo ku saabsan sidii Turkigu ay u tababari lahaayeen ciidamada Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jireen ciidamada booliiska, kuwa sirdoonka iyo kuwa badda Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa horay u tababartay 500 oo askari oo ka tirsan booliiska Soomalaiya, kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumar, waxayna tababarkooda ku soo qaatay gudaha dalka Turkiga.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayuu Midowga Yurub oo tabaar siiya ciidamada Somalia u soo wareejiyay tababarkooda gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo markii hore lagu tababari jiray dalka Uganda, iyadoo ay tani ku timid heshiis dhexmaray dowladda federaalka Soomaaliya iyo ururka Midowga Yurub.

Xukuumadda Somalia ayaa dadaal ugu jirtay sannadihii lasoo dhaafay sidii ay u xoojin lahayd awoodda ciidamada xoogga dalka si ay ula dagaalamaan xoogagga Al-shabaab oo isku dayay muddo shan sano in ay xukunka ka tuuraan dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya