4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 28, 2014
Wasiirka Arrimaha dibadda oo la kulmay Shaqaalaha Wasaaraddiisa

Jimco, Feberaayo 28, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle oo ay wehlinayaan wasiir-u-dowlahaiisa, Burci Maxamed Xamza iyo wasiir ku-xigeenkiisa, Mahad Mohamed Salaad ayaa waxay markii ugu horreysay si wadajir ah ula kulmeen dhammaan shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa looga hadal soo-dhaweyn ah ka jeediyay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda, Cabdullaahi Dool M axamed oo ku booriyay shaqaalaha wasaaradda inay kordhiyaan howlaha shaqo ee Qaranka ay u hayaan, si loo gaaro guulo la taaban karo oo la xiriirta siyaasadda dibadda.

Wasiirka ayaa hadal uu ka jeediyay shirka, wuxuu ku sheegay in shaqaalaha wasaaradda kuwa gudaha iyo dibadda looga baahan yahay inay si habsami leh oo shaqa hufnaan ah u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, wuxuuna ballan-qaanday in qof waliba oo shaqaale u ah wasaaradda  la eegi doono habka uu u hagaajiyo shaqada, wax-qabadkiisa iyo wax-soo-saarkiisa , taasna ay hormuud u noqon karto dalacsiin .



Dr. Bayle ayaa sheegay in wasaaraddiisu tahay muraayadda Qaranka, loona baahan yahay in muuqaal wanaagsan oo ka tarjumaya dalka ay u bandhigto caalamka, iyadoo la ilaalinayo kala sarreynta, lana hagaajinayo hab maamuuska Qaranka ee ku aaddan qaabilaadda wufuudad dalka soo booqata.

Wasiirka oo ka hadlayay arrimaha dadka barakaca ah ee deegaansaday qaybo ka mid ah wasaaradda ayaa wuxuu muujiyay in wasaaraddu ay ka caawin doonto dadkaasi sidii ay u heli lahaayeen deegaan ka madax-banaan dhismaha wasaaradda, isagoo  ku dhiirri-geliyay shaqaalaha wasaaradda inay si mutadwacnimo oo iskaa-wax-u-qabso ah ay ku dhisaan qeybaha ka burbursan wasaaradda oo uu ku jiro machadka daraasaadka diblamaasiyadda iyo naadi ay yeeshaan diblamaasiyiinta Soomaaliyeed si loo helo dhismayaal qurux badan oo lagu tababaro diblamaasiyiinta cusub oo dalku yeelanayo.






Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya