Jimco,
Feberaayo 28, 2014 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay
weerar Ismiidaamin ah oo shalay ay ay Al-shabaab ka geysatay
Muqdisho, iyagoo ku sheegay mid lagu doonayo in lagu carqaladeeyo
horumarka iyo nabadda kasoo bidhaamaysa Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.
Warsaxaafadeed
kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in
qaraxii shalay uu ka mid yahay dhacdooyinka foosha xun ee Soomaaliya ka
dhacaya.
Qoraalka
wasaaradda ayaa lagu sheegay in xukuumadda Turkiga ay aad uga xun tahay
falalka ammaanka lagu carqaladeynayo ee ka dhacaya Somalia, isla
markaana ay Soomaalida la wadaagi doonaan xanuunka dhacdooyinkan.
“Waxaan
tacsi u diraynaa ehelladii iyo qaraabadii dadkii ku dhintay weerarkaas,
kuwii kale ee ku dhaawacmayna waxaan Alle uga baryaynaa caafimaad
deg-deg ah,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha
dibadda Turkiga.
Qaraxii
shalay ka dhacay agagaarkaa baarkii Fiat oo u dhaw xarunta hay’adda
nabad-sugidda Qaranka oo ay sheegatay Al-shabaab ayaa lagu dilay in ka
badan 10-qof oo isugu jiray shacab iyo askar ka tirsan ciidamada
dowladda Soomaaliya.
Dhanka
kale, waxaa weerarkan si adag u cambaareeyay Qaramada Midoobay iyo
Midowga Yurub oo taageera dowladda Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay
weerar fulaynimo ah oo lagu laayay shacab aan waxba galabsan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya