4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 28, 2014
GOODAX: "Waxaa la qaadayaa Tallaabooyin Amniga lagu sugayo"


Jimco, Feberaayo 28, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in xukuumaddu ay qaadayso tallaabooyin lagu adkeynayo ammaanka kuwaa oo uu sheegay inay yihiin kuwo cusub.

Goodax ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay shacabka Muqdisho arki doonaan horumarro laga gaaray ammaanka, isagoo xusay in baaritaanno lagu sameyn doono goobaha sida aadka ah looga shakisan yahay, sida guryaha ay Al-shabaab ku farsameeyaan waxyaabaha qarxa.

“Xukuumaddu tallaabooyin ammaanka lagu adkeynayo ayay qaadaysaa, waxaana ka mid noqon doona in lala wareego gurigii lagu helo inay Al-shabaab ku farsameeyaan hubka iyo waxyaabaha qarxa,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in ammaanka Muqdisho uu yahay mid wanaagsan ayna tani tahay mid amniga lagu xoojinayo, isagoo xusay in ciidamada amniga dowladda ay baaritaanno ku sameyn doonaan goob walba oo loo baahdo.

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya xilli shalay uu Muqdisho ka dhacay qarax lagu dilay in ka badan 10-qof, kaasoo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Dhanka kale, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa waaydan ahaa mid faraha kasii baxaya oo aan wanaagsanayn, kaddib markii Toddobaadkan oo keliya ay ka dhaceen Muqdisho weerarro uu ka mid ahaa mid lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa Al-shabaab ay ku dishay Muqdisho dhowr qof oo isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, haween shaqaale ah, kuwo ganacsato iyo dad kale oo rayid ah, kuwaasoo muujinaya in ammaanku uu yahay khatar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya