4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 27, 2014
Guddoomiye Waaxeed Maanta lagu Toogtay degmada Dharkeynleey

Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir ku toogtay maanta guddoomiye waaxeed lagu magacaabi jiray, Cumar Bashiir, kaasoo lagu dilay xaafada Suuq-yaraha oo ka tirsan degmadaas.

Dilka guddomiye waaxeedka ayaa waxaa fuliyay sida la sheegay rag bastoolado ku hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn, iyadoo xilliyadii ugu dambeeyay ay kusoo kordhayeen degmadaas kooxaha dilalka geysata.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynleey, Macallin Cabdulle Cali Hilowle ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka guddoomiye waaxeedkan, isagoo sheegay in la toogtay isagoo howlihiisa ku jira, mana jirto cid weli sheegatay inay ka dambeyso.

“Kooxaha dhagar-qabayaasha ah ayaa toogtay Cumar Bashiir oo guddoomiye ka ahaa waax ka mid ah waaxyaha ay ka kooban tahay degmada,” ayuu yiri Macallin Hilowle oo sheegay inay baxsadeen kooxihii dilka geystay.

Sidoo kale, saraakiisha ammaanka ee degmadaas oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno lagu baadi-goobayo kooxihii weerarka geystay, iyagoo sheegay inay ku rajo-weyn yihiin inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii dilka geystay.

Dhawaan ayay ahayd markii kooxo hubeysan ay sidan oo kale ku dileen degmada Dharkeynleey guddoomiye waaxeed, iyadoo aysan jirin cid loosoo qabtay mas’uulkaas, iyadoo tani ay qayb ka noqonayso falalka ammaan-darro ee Muqdisho ka dhacayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya