4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 27, 2014
Al-shabaab oo Sheegatay Is-miidaamintii ka Dhacday Muqdisho

Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia iyo ciidamada taageeraya ee AMISOM ayaa sheegatay inay mas’uul ka ahayd weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay isgoyska Fiat ee magaalada Muqdisho.

Barta ay ku leedahay Twitter-ka ayay kooxdu ku sheegtay in weerarkaas uu fuliyay ruux xoogaggooda ka tirsan ayna bartilmaameedsanayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo goobtaas ku sugnaa.

Ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo ay kooxdu bixisay, waxaana weerarku uu noqonayaa kii labaad oo ay Al-shabaab ka geysato magaalada Muqdisho todobaadkan dhamaadka ah.

Al-shabaab ayaa horay u sheegatay mas’uuliyada weerarkii lagu Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo ah goobta ay ku shaqeeyaan madaxda dowladda Soomaaliya.

Mas’uul u hadlay ururka Al-shabaab ayaa horay u sheegay inay sii wadayaan qaraxyada ay ku bartilmaameedsanayaan xarumaha dowlada iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee Muqdisho ku yaalla.

Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud uu maalmo ka hor sheegay inay isbedel ku sameyn doonayaan taliyeyaasha hay’adaha amaanka dowladda Soomaaliya.

Ismiidaamintii maanta ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku naf-waayay in ka badan 10-qof oo isugu jiray shacab iyo askar ay ku jireen haweenkii baarka lahaa, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya