4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 27, 2014
Madaxweynaha oo Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Banaadir

Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud maanta oo Khamiis ah ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho loo magacaabay Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo horay u ahaa guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in magacaabiddan ay ku timid kaddib markii uu dhageystay talooyinka ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo wasiirka arrimaha gudaha & federaalka, C/llaahi Goodax Barre.

“Markii uu ogaaday inay jirto baahida loo qabo in guddoomiye cusub loo magacaabo gobolka Banaadir. Kaddib markii uu tixgeliyay soo jeedinta iyo waayo-aragnimada uu Jen. Muun-gaab u leeyahay maamulka, garsoorka iyo nabad-galyada ayuu xilkan magacaabay,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweyanha Soomaaliya.

Sidoo kale, wareegtada ayaa lagu sheegay in magacaabista guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa  Muqdisho loo magacaabay Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab).

“Waxaa xilkii guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho laga qaaday, guddoomiyihii hore Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan),” ayaa sidoo kale wareegtada lagu sheegay.

Dhanka kale, wareegtada ayaa lagu faray in hay’adaha ciidanka booliiska, qaybta gobolka Banaadir iyo hay’adda nabad-sugidda qaybteeda gobolka Banaadir inay si toos ah ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee gobolka loo magacaabay.

Ugu dambeyn, waxaa lagu sheegay wareegtada in xeerkan uu dhaqan-galiyo marka uu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya si rasmi ahna loogu faafiyo warbaahinta dalka.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa xilkan hayay sannadihii lasoo dhaafay, waxaana uu horay u diiday inuu qabto xil wasiir ku xigeen ah oo loo magacaabay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya