Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha
Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa fal fool-xumo iyo
fuleynimo ah ku tilmaamay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta lala
beegsaday maqaaxi ku taala is-goyska Baar Fiat ee degmada C/casiis,
weerarkaasoo ay ku naf-waayeen dad rayid ah oo halkaas ku sugnaa.
Mudane C/weli Sheekh ayaa tacsi u diray ehellada iyo qaraabada dadkii
ku geeriyooday qaraxaas, isagoo ALLE uga baryay inuu ka waraabiyo
jannadiisa Fardowsa, intii ku dhaawacantayna u rajeeyay caafimaad deg
-deg ah.
“Beegsida argagixisada ee shacabka, waa astaan muujinaysa dhammaadka
waqtiga kooxda caadaysatay daadinta dhiigga shacabka, dawladduna wey u
diyaar-garowday sidii loo sifeyn lahaa nabad-diidka, loona baajin lahaa
dilka shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku daray: “Cadowgu waxay ka warhayaan in
la gaaray xilligii la soo af-jari lahaa, waxayna go’aansadeen in
daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed. Waxaan u sheegeynaa kuwa soo
maleegay iyo kuwa fuliyay fal-dambiyeedka in lala xisaabtami doono.”
Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu xusay in falalka noocan oo kale ah
marna aysan hakin doonin tallaabooyinka aan ku cirib-tireyno
nabad-diidka oo uu sheegay inay awooddoodu hoos u dhacday.
Weerarrada ka dhacaya Muqdisho ayaa waxay noqdeen kuwo soo kordhayay
xilliyadii ugu dambeeyay, iyadoo la xusuusto in dhawaan ay Al-shabaab
ku qaaday weerar toos ah xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxda dowladda Somalia ayaa looga bartay inay cambaareeyaan markii ay
dhawaan falal noocaan oo kale, iyadoo falalkaas intooda badan ay si cad
u sheegato Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda iyo ciidamada
AMISOM ee caawinaya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
C/weli: “Weerarkan Wuxuu Muujinaysa Guul-darrada Nabad-diidka”
More News
- Guddoomiye Waaxeed Maanta lagu Toogtay degmada Dharkeynleey
- Daraasad: Jaamacadaha ugu caansan Somalia dhinaca Facebook-ga
- Al-shabaab oo Sheegatay Is-miidaamintii ka Dhacday Muqdisho
- Haweenka AMISOM oo Xafiis ka Furanaya Baladweyne (SAWIRRO)
- Madaxweynaha oo Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Banaadir
- Faahfaahinta Weerarkii Maanta ka Dhacday Muqdisho (SAWIRRO)
- Wasiirka Warfaafinta oo Wariyeyaasha ugu baaqay inay Taxadaraan
- FARMAAJO: “Madaxda Dowladdu Waa in ay Shacabka Kasbadaan”
- Itoobiya oo sheegtay inay dagaal adag la galayso ururka Al-shabaab