4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 27, 2014
Wasiirka Warfaafinta oo Wariyeyaasha ugu baaqay inay Taxadaraan


Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa wariyeyaasha Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka taxadaraan amaankooda inta ay socdaan howgallada ka dhan ah Al-shabaab ee ay waddo dowladda Soomaaliya.

Dhuxuloow ayaa hadalkan ka sheegay Muqdisho kaddib markii uu booqasho ugu tagay wariye Axmed Siciid Axmed oo ka mid ah wariyeyaasha Muqdisho ka howlgala, kaasoo ku dhaawacmay weerarkii Jimcihii lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ugu baaqay suxufiyiinta inay marka hore hubiyaan goobta ay doonayaan inay warbixinnada ka qaataan, xitaa haddii ay tahay goob uu howlgal ka socdo.

“Waxaa horay loo ballanqaaday inaan ka gudubno isla-xisaabtan la’aanta iyo in kuwii dilalka u geystay suxufiyiinta lasoo xiri doono lana horgeyn doono cadaaladda,” ayuu yiri Dhuxuloow.

Axmed Siciid ayaa u shaqeynayay idaacadda Kulmiye oo ka mid ah kuwa FM-ka ah ee ka howlgala Muqdisho, isagoo si xun u gubtay, sidoo kalena wuxuu qabaa jab kasoo gaaray gacantiisa midig, sidoo kalena wuxuu ka qabaa feeraha dhaawac.

Ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa warbixin ay soo saareen ku cambaareeyay weerarrada macno la’aanta ah ee ay waxyeelladu kasoo gaarayso wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo ay u adeegsadeen gaadiid miineysan iyo rasaasta ka dhacda qorshaha daran-doorriga u dhaca, iyadoo mas’uuliyiin kala duwan lagu dilay weerarkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya