4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 27, 2014
FARMAAJO: “Madaxda Dowladdu Waa in ay Shacabka Kasbadaan”

Khamiis, Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay amaanka Soomaaliya iyo qaabka ugu habboon ee wax looga qaban karo amniga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kaddib weerarkii lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay kalsoonida shacabka kasbato, taasoo uu ku sheegay inay tahay kaalinta ugu weyn ee u sahli kara inay nabadda dalka sugto.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya loo baahan in kalsooni lagu siiyo in marka ay dagaalka la galayaan Al-shabaab inay yihiin askar u dhintay Qarankooda, balse aysan ahayn kuwo u dhintay qabiil iyo wax la mid ah, askarigii dhintana xuquuqdiisa meel la saaro wadaniyaduna ay tahay tan lagu howlgalayo.

“Deggenaasho la’aanta dalka iyo horay u socod la’aanta dowladda federaalka waxaa qayb ka ah ballanqaadyada madaxdu sameeyaan oo aan laga dhabeyn ama sidii loo qaaday aan loo fulin,” ayuu yiri Farmaajo oo xusay in uu ka codsanayo dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda inay ammaanka ka wada-shaqeeyaan, gaar ahaan midka caasimadda Soomaaliya.

Isagoo sii halaya ayuu wax laga xumaado ku tilmaamay in saddex sano kaddib ay Al-shabaaba ku dhiirato inay maalin cad weeraraan xaruntii ugu weynayd ee dalka looga talinayay ayna kordhiyaan weerarradooda Muqdisho.

Al-shabaab ayaa isaga baxday magaalada Muqdisho bishii Ogoosto ee 2011-kii, iyadoo markaas ay dowladda Somalia si rasmi ah ula wareegtay gacan ku haynta magaalada xarunta ah ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, Farmaajo wuxuu mas’uuliyiinta dowladda uu ugu baaqay inay ogaadaan inay yihiin dad Qaran u shaqeynaya ee aysan ahayn kuwo qabiil iyo wax la mid ah u shaqeynaya, ayna xoojiyaan dagaalka ay Al-shabaab kula jiiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya