Khamiis,
Feberaayo 27, 2014 (HOL) — Dowladda Itoobiya oo ciidamadeedu dhawaan ku
biireen howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegtay in ay ka go’an
tahay sidii ay uga shaqeyn lahayd nabad kusoo celinta Somalia kaddib
sannado badan oo colaado ah.
Afhayeenka
wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya, Dina Mufti ayaa daboolka ka
qaaday in dowladdiisa ay ka go’an tahay nabadeynta Somalia, isla
markaana ay xoog iyo maal fara badan ku bixinayaan arrintaas.
“Itoobiya
waxay Soomaiaya u dirtay ciidammo fara badan oo nabad ilaalin ah si ay
qayb uga noqdaan howlgalka Midowga Afrika. Qorshaheennu waa in aan kula
dagaalanno Al-shabaab meel walba oo ay Soomaaliya ka joogaan,” ayuu
yiri Mufti.
Sidoo
kale, afhayeenku wuxuu sheegay in nabadda Soomaaliya ay tahay mid dani
ay ugu jirto nabadgalyada gobolka Bariga Afrika, isagoo Al-shabaab ku
tilmaamay koox kasoo horjeedda deggenaashaha gobolka oo dhan.
Afayeenka
oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Itoobiiya ay qayb weyn ka
qaadanayso nabadaynta dalalka gobalka, sida Koonfurta Sudan, Masar iyo
Jamhuuriyada Afrikada Dhexe.
Itoobiya
ayaaa qayb ka ah dowladaha ciidamada AMISOM ugu taageeray Soomaaliya si
ay dowladda Soomaaliya uga taageeraan dagaalka ay kooxda Al-shabaab
kula jirto.
Hadalkan
ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli taliska AMISOM uu sheegay in ay
qorsheynayaan howlgallo ay ka billaabaan guud ahaan gobollada Somalia
kuwaasoo lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay gacanta
ku hayso.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya