4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2014
Taliyihii booliska degmada Xaaji Saax ee Somaliland oo xalay la dilay

Talaado, Feberaayo 25, 2014 (HOL) — Taliyihii booliska ee degmadda Xaaji Saalax ee hoos timaadda degmadda Oodweyne ee gobolka Togdheer, ayaa xalay xalli dambe lagu dilay tuuladda Laan-Mulaaxo oo uuu joogay hawlo shaqo.

Alla ha u naraxiistee Hure Sahal ayaa dablay hubaysani ku dileen tuuladdaasi, iyadoo dadkii dilka gaystay markiiba baxsadeen.

Gudoomiyaha Degmadda Xaaji Saalax Khadar Cabdi Oday, ayaa sheegay in dilkaasi ahaa mid aad looga naxay, isla markaana u dhacay qaab fool xun oo dadweynihii deegaanku ka xumaadeen.

"kowdii habeenimo ayaa Hure Sahal Lagu Dilay Tuuladda Laan-Mulaaxo oo uu hawlo uTagay, sida la sheegayo waxa taliyaha loo dilay aano hore oo ka dhexeysay laba beelood oo walaalo ah oo deegaamadan wada Daga, kuwaasi oo Dilal Hore Isu Gaystay Markaa Hadda Weli Lama aasin"ayuu yidhi gudoomiyaha degmadda xaaji Saalax oo ka tirsan degmadda Oodweyne KHadar Cabdi oo siday wax u dhaceen ka hadlayey.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay dawladu usoo dirtay ciidamo ka hawlgala arintaasi, isla markaana odayaal iyo wax garad ku soo fool leeyihiin degmadda si ay u dajiyaan beelaha kacsan.

Illaa hadda lama qaban dableydii taliyaha dishay, inkastoo ciidan badan ku soo wajahan yihiin goobtii dilku ka dhacay si loo soo qabto.

Si kastaba ha ahaatee, deegaanada bariga Somaliland ayey ku badan yihiin inay beeluhu isku dileen si aargoose ah, taasina waxay keentay inay inta badan beelaha wada degaa isku dhacaan, waxaana taliyaha dilkiisa ka dambeeyey beel hore qof looga dilay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland