4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2014
Al-shabaab oo ku hajabtay weeraro ka dhan ah dowlada iyo Turkiga
Talaado, Feberaayo 25, 2014 (HOL) — Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere oo waraysi gaar ah siinayay Tv-ga Al-jazeera ayaaa wacad ku maray in kooxdooda ay dagaal kula wareegi doonto dhulka gacanteeda ka baxay sannadihii lasoo dhaafay.

Sheekh Cali Dheere ayaa meesha ka saaray wadahadal ay la galaan dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dhaqdhaqaaqa Al-shabaab aanu soo wajihin awood dhinaca ciidamada ah.

“Al-shabaab waxay uga baxeen magalooyinka gacantooda ku jiray xeelad milatari, Soomaaliya waxaa iska leh Soomaali dalkuna waa dalkeennii dhulkana waa mid aan innagu leennahay, ugamana tagayno cadow,” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab.

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab oo sii hadlay ayaa sheegay in cadowgooda ugu wayn ay tahay NATO, Turkigana ay ka tirsan yihiin NATO ayna yihiin cadow inay ku soo duulaan dalkeenna isku kaashaday; ayna Turkiga u soo wakiisheen si dhibaato loogu geysto dadka muslimka ah ee Soomaaliyeed.

“Meel kasta oon ku aragno dadka Turkiga ah noogama duwanaan doonaan kuwa Mareykanka, Ingiriiska iyo AMISOM,” ayuu wareysigiisa ku yiri Sh. Cali Dheere oo intaas ku daray in go’aankan uu yahay mid ay Al-shabaab ku mideysan tahay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan hay’ado Turki ah oo Dowladda Somalia ka caawinaya dib u dhiska dalka, waxaana hay’adahaas maamula xubno Turki ah, iyadoo la xusuusto in Al-shabaab ay horay laba weerar ula beegsaday dhismayaal ay Turkigu ka dagan yihiin Muqdisho.

Hadalka afhayeenka guud ee Al-shabaab ayaa imaanaya xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in dowladdiisu ay dagaal adag la galayso Al-shabaab ayna soo afjari doonto inta lagu jiro sannadkan 2014-ka.

Al-shabaab ayaa dhawaan weerartay madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo dilay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, inkastoo weeraryahannadii kooxda Al-shabaab tiro ka mid ah iyagana lagu dilay weerarkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya