4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2014
Haweeney ka shaqeysa Tallaalka Dabeysha oo lagu dilay Muqdisho

Talaado, Feberaayo 25, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta toogasho  ku dilay degmada Wardhiigley ee Muqdisho mid ka mid ah haweenka sida mutadawacnimada ah  ah uga shaqeeya tallaalka cudurka halista ah ee dabeysha.

Saddex dhallinyaro ah oo hubeysan ayaa toogasho haweeneydan, iyadoo maraysay meel ku dhow isgoyska xaafadda Xararyaale ee degmada Wardhiigley kuna sii socota shaqo, sida uu sheegay wiil ay dhashay.

Dilka haweeneydan ayaa waxaa xaqiijiyay wiilkeeda oo ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala warbaahinta madaxa-bannaan ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay hooyadii oo lagu magacaabi jiray Shariif Yuusuf Maxamed laga toogtay madaxa.

Illaa hadda lama oga cidda ka dambaysa dilka haweeneydan; waana markii ugu horreysay ee dil loo geysto shaqaalaha tallaalka cudurka halista ah ee dabeysha, iyadoo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay sheegtay in Shariifo ay ka mid ahayd saraakiisha tallaalka cudurka dabeysha.

Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa waxaa ka socda barnaamijka ololaha tallaalka cudurka dabaysha, iyadoo ay iska kaashanayaan barnaamijkan hay’adaha kala ah: UNICEF, WHO iyo dowladda Soomaaliya.

Tan iyo markii laga helay dad qaba cudurka dabeyssha deegaanno ka mid ah Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa la kordhiyay ololaha looga hortagayo cudurkan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay barnaamijkan furtay sannadkii hore.

Hase yeeshee deegaannada ay maamulaan Alshabaab ayaa laga mamnuucay in dadka ku nool laga tallaalo cudurka dabaysha oo si ba'an u waxyeelleeyo caruurta da'doodu ka yar tahay shanta sano.

Sidoo kale, waxaa lagu dilay xaafadda suuqa xoolaha ee Muqdisho haweeney ka ganacsata shaaha, iyadoo aan la ogeyn cid dilkeeda ka dambeysay, iyadoo kooxahii gabadhan dilay ay markiiba goobta ka baxsadeen.

Dhanka kale, waxaa xalay lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir laba ruux oo isku qoys ahaa, kuwaasoo kala ahaa haweeney iyo wiil ay dhashay, iyadoo kooxihii dilka geystay ay baxsadeen markii ay dilka fuliyeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya