4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2014
Qaxooti Soomaali ah oo magan-galyo ka helay dalka Slovakia

Talaado, Feberaayo 25, 2014 (HOL) — Dowladda Slovakia ayaa daganaansho kumeel gaar ah siisay 11 –ruux oo Soomaali ah ,kuwaasi oo muddo lix bilood ah ku sugnaan doona magaalo ku taalla bariga dalkaas oo lagu magacaaabo Humenné kana tirsan gobolka Prešov.

Hay’adda muhaajiriinta adddunka ee IOM xarunteeda Slovakia ayaa sheegtay in dadkan Soomaalida ah ay ku jiraan dumar iyo caruur dhibaatooyin badan horey ula soo kulmay,waxaana ay gaareen halkaas talaadadii hore oo ku beegnayd 18-Febraayo 2014-ka.

Qaxootigan ayaa in muddo ah ku noolaa magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yemen, waxaana intii ay joogeen wadankaas ay bartil-maameed u noqdeen dhibootoyin isugu jira kufsi iyo dhac ay si joogta ah ula kulmi jireen xilliyada qaar.

War ka so baxay IOM ayaa lagu xaqiijiyay in Soomaalidan aysan suurtagal ahayn in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya oo aan xilligan sidii la rabay ahayn ,iyado la sheegay in xaaladooda caafimaad hadda ay la tacaalayso dowladda ay martida u yihiin.

Tiro kale oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa iyagana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dagaan dalka Slovakia, iyadoo arintaa ay ka wada hadli doonaan madaxda UNHCR iyo waliba dowladda Slovakia, si loo dhimo caqabadaha hortaagan qaxooti badan oo ku xaniban gudaha Sanca.

Ugu danbayntii tiradan Soomaalida ah ee tagay Slovakia ayaan la ogayn halka ay uga soo gudbi doonaan magaalada Humenné oo iminka xaaladooda lagu daryeellayo ,iyadoo arintan ay noqonayso markii ugu horeysay oo Soomaali intaa la ‘eg ay tagaan halkaas.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]