4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2014
MADAXWEYNAHA: "Ballanqaadkii Caalamka waa in laga dhabeeyo"

Talaado, Feberaayo 25, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka sheegay shir ka dhacay Muqdisho in beesha calaamka ay ka dhabeyso ballan-qaadyadii ay horay ugu yaboohday.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicolas Kay, wasiiradda arrimha dibadda, kan ammaanka, maaliyadda iyo arrimaha gudaha iyo federaalka, wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, madaxweynaha maamulka Galmudug, guddoomiyaha gobolka Banaadir, wakiil ka soacdy maamulka KMG ah ee Jubba, ururrada bulshadda rayidka, safiiro iyo Wakiilo ka socday dalalka caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay weerarkii Al-shabaab ay ku qaaday madaxtooyada isagoo yiri: "Waxaan si taxadar leh idin kaga codsanayaa in falalkan aysan na niyad-jabin. waana kuwo ay kooxahan uga dan-leeyihiin in caalamka ay tusaan in Soomaaliya ay burburtay. taasna sax maaha."

"Qof kasta oo idiin ka mid ah wuu og-yahay horumarka ballaaran ee aan labadii sano lasoo dhaafay sameynay. Waana sababta aan halkan isagu nimid si aan uga hadalno sidii aan u horumarin lahayn amniga, siyaasadda, Isla markaana aan waddanka u kobcin lahayn dhaqaalaha iyo horumarka dalka," ayuu yiri madaxweynaha Somalia.

Madaxweynaha oo ka hadlayay warbixinta QM ee cunno-qabateynta hubka ayaa yiri: "Dowladdu way la shaqeysey kooxda QM oo aan tusnay wax walba oo ay rabeen. Jawaab baan u qornay golaha ammaanka oo aan kaga jawaabnay dhammaan eedaha aan saxda ahayn, oo ay habboonayd inay marka hore noo soo gudbiyaan si ay u helaan jawaabteenna oo ka hortagi lahayd inay macluumaad sax ah soo qoraan. Waxaa noo degsan qorshe aan ku maamulno hubka iyadoo la raacayo nidaamka QM, oo aan sameynay guddi isku-dhaf ah, tababaro dhanka farsamada iyo nidaam cad-cad oo warbixinta lagu gudbiyo."

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda waxqabad iyo ficil in ballan-qaadyadii Brussels 16-kii September 2013 oo shacabka Soomaaliyeed waxay naga sugayaan ballanqaadyadii in lasoo gaarsiiyo. laga dhabeeyo.

"Dowladdu waxay sameysay guddi maamula dhaqaalaha oo si fur-furan oo cad-cad u maamulaya dhaqaalaha. waxaan albaabbada u furnay deeq-bixiyeyaasha oo aan kalsooni ku siineyno. dowladda iyo deeq-bixiyeyaasha waa inaan si deg-deg ah ficil iyo waxqabad ula imaannaa. Waxaa la joogaa waqtigii COMPACT uu shaqeyn lahaa; Shacabka oo naga sugaya wax badan waa inay arkaan fulinta ballan-qaadyada," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa yiri: "Waa muhiim in ballanqaadyadii caalamka laga dhabeeyo si loogu kalsoonaado New Deal." isagoo ku daray hadalkiisa Waa inaan u muujinaa shacabka in horumarkii loo ballanqaaday la fulinayo. ma awoodi karno inaan ku guul-dareysanno qorshahan hiigsiga (New Deal).

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay: "Waxaan joognaa waqtigii aan uka gudbi lahayn hadal kaliya oo waa inaan u gudubnaa FICIL iyo WAXQABAD."

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya