3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2014
Samsung oo daaha ka rogtay Galaxy S5, Muxuu uga duwanyahay S4


Teleefoonka cusub  ee Galaxy S5 oo ay dhawaan soo bandhigtay sharikadda Samsung


Talaaldo, February 25, 2014 (HOL) -Waxaa magaalada Barcelona ee carriga Spain shalay ka dhacay bandhig tiknoolajiyeed sannadle ah oo ay isugu yimaadaan shirkadaha caalamka ee sameeya Mobilada, waxayna Shirkadda Samsung meesha uga dhawaaqday nooca cusub ee taxanaha Mobiladeedii caanka ah ee loo yaqaan gaalagsiyada (Galaxy S Lines)

Mobilekaan cusub oo ay Samsung daaha ka rogtay ayaa ah Galaxy S5, wuxuuna waxoogaa uga baddalanyahay Mobile-ka Galaxy S4 ee haatan suuqa yaal, sida xajmiga, camererada, batariga, processorka iyo weliba garashada farta (Fingerprint) oo uu leeyahay Mobileka cusub.

Maxaa ku cusub Galaxy S5

- Galaxy S5 waxaa la kordhiyey camerada danbe oo cabbirkeedu yahay 16 megapixel taasoo awood u leh xataa inay qaaddo 4K video
- Galaxy S5 wuxuu awood u leeyahay inuu u adkaysto oo aysan gelin boorka, siigada biyaha iyo sidoo kale xagtimaha dhalada waxyeeleeya.
- Waxaa la kordhiyey dhererka mobileka oo haatan cabirkiisu yahay 5.1 inch. iyadoo sidoo kalena lagu xiray batari ka weyn kan S4ka iyo processor waxoogaa ka dhakhso badanba.

Galaxy S5 wuxuu ku yimid android 4.42 KK oo ah  ah nooca u danbeeyey, waxaana taleefonku suuqa soo geli doonaa bartamaha bisha April ee foodda inagu soo haysa  haddii Alle idmo, iyadoo ay bixin doonaan afarta Shirkadood ee ugu waaweyn dalkaan Maraykanka, iyo in ka badan 150 shirkadood oo mobilada ka bixiya Adduunka.

Isku soo duuduuboo dad badan ayaa dhaliilsan taleefoonka cusub ee ay daaha ka rogtay Shirkadda Samsung maadaama ay Galaxy S5 iyo S4 isku mid ka yihiin resolutionka screenka oo weli ah 1080, memoryga oo isaguna ah 2 GB iyo sidoo kale dahaarka loo yaqaan Touchwiz oo aysan shirkaddu weli fudayd ka dhigin.

Bishar Abdi, Hiiraan Online
Seattle, Washington. USA
twitter.com/bishaarcc
[email protected]













Click here
2/25/2014 12:00 PM EST
Talaado, Feberaayo 25, 2014 (HOL) — Taliyihii booliska ee degmadda Xaaji Saalax ee hoos timaadda degmadda Oodweyne ee gobolka Togdheer, ayaa xalay xalli dambe lagu dilay tuuladda Laan-Mulaaxo oo uuu joogay hawlo shaqo.

2/25/2014 8:30 AM EST
Talaado, Feberaayo 25, 2014 (HOL) — Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere oo waraysi gaar ah siinayay Tv-ga Al-jazeera ayaaa wacad ku maray in kooxdooda ay dagaal kula wareegi doonto dhulka gacanteeda ka baxay sannadihii lasoo dhaafay.

2/25/2014 6:31 AM EST
Talaado, Feberaayo 25, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta toogasho ku dilay degmada Wardhiigley ee Muqdisho mid ka mid ah haweenka sida mutadawacnimada ah ah uga shaqeeya tallaalka cudurka halista ah ee dabeysha.

2/25/2014 6:08 AM EST
Talaado, Feberaayo 25, 2014 (HOL) — Maddaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Switzerland, Domanic isla markaana madaxweynaha soo gaarsiiyay fariin uu ka waday madaxda dalka Switzerland.

2/25/2014 5:56 AM EST
Talaado, Feberaayo 25, 2014 (HOL) — Dowladda Slovakia ayaa daganaansho kumeel gaar ah siisay 11 –ruux oo Soomaali ah ,kuwaasi oo muddo lix bilood ah ku sugnaan doona magaalo ku taalla bariga dalkaas oo lagu magacaaabo Humenné kana tirsan gobolka Prešov.

2/25/2014 5:50 AM EST
Talaado, Feberaayo 25, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka sheegay shir ka dhacay Muqdisho in beesha calaamka ay ka dhabeyso ballan-qaadyadii ay horay ugu yaboohday.

2/25/2014 5:33 AM EST
Talaado, Feberaayo 25, 2014 (HOL) — Ra'isul wasaaraha Ingiriiksa David Cameron ayaa ansixiyay lacag tiro badan oo sanad walba lagu taageeri doono dowladda Soomaaliya si looga hortago weerarrada kooxaha argagaxisada ah iyo in Soomaaliya ay noqoto Afgaanistan labaad oo Afrika ku taalla.

2/25/2014 12:28 AM EST
Isniin, Feberaayo, 25, 2014 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan ayaa maanta markii ugu horeysay xukun isugu jira dil iyo xarig ku riday askari ka tirsan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo xubin ka tirsan maamulka heer degmo.