4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 25, 2014
Maxkamada ciidamada G/Hiiraan oo xukunno isugu jira dil iyo xarig riday

Talaado Feberaayo, 25, 2014 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan ayaa maanta markii ugu horeysay xukun isugu jira dil iyo xarig ku riday askari ka tirsan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo xubin ka tirsan maamulka heer degmo.

Guddoomiyaha maxkamada Xusseen Cabdi Axmed Rooble oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in maxkamada ciidamada qalabka sida u fariisatay dacwo ciqaabeedka askar ku eedeysneyd dil, dhac, iyo mas'uul ka tirsanaa maamulka degmada.

''Maanta oo ay taariikhdu tahay 24/2/2014 [10 :00 am]  subaxnimo waxaa ay maxkamada ciidamada qalabka sida u fariisatay dacwad ciqaabeed loo heystay dable ka tirsan ciidamada xoogga dalka Cali Mux'ud Xusseen 24 sano jir ah oo loo heystay in uu dhaawac u geystay 17/1/2014, Max'ed Aadan Cumar, kana hor qirtay maxkamada danbiga lagu soo eedeeyay waxaa ay maxkamadu ku xukuntay 6 bilood oo xarig ah.

Guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale sheegay in dable xoogga Cabdi Uuloow Nuur oo ku eedeysnaa in uu dil bareer ah u geystay marxuum lagu magaacabo Shaafici Geedi Xassan taariikhdu markey aheyd  11/11/2013, ku riday xukun dil toogasho ah, kadib markii uu ka hor qirtay maxkamada in uu si ula kac ah u dillay marxuumka.

Sidoo kale, maxkamad ciidamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in xabsi dhan 15 sanno xariga ah lagu riday guddoomiye ku-xigeenkii dhinaca ammniga maamulka degmada Beledweyne C/llaahi Max'ed Cumar oo lagu eedeeyay in uu diiday in la qaado dhaawaca marxuum Shaafici Geedi Xassan oo markii danbe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Guddoomiyaha maxkamada Xusseen Cabdi Axmed ayaa sheegay in guddoomiye ku-xigeenka maamulka degmada uu u bareeray in aan wax gurmad ah loo fidin muwaadin Soomaaliyeed oo uu toogtay mid ka mid ah ilaaladiisa oo
maanta dil toogasho ah lagu xukumay.

''Markey aragtay marqaatiyaashii la horkeenay maxkamada oo ay ka mid ahaayeen ilaaladiisa, lana ogaaday in uu bixiyay amar ah in aan la qaadin si isbitaalka loo gaarsiiiyo dhaawaca marxuum-ka, waxaa ay maxkamadu ku riday C/llaahi Max'ed Nuur xabsi dhan 15 sano oo xarig ah, iyo xilkii uu degmada ka hayay oo laga qaaday,'' ayuu yiri guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida.

Ugu danbeyntii maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in dable xoogga   Faarax Muumin Guure laga saaray ciidamada qalabka sida kadib markii ay taariikhdu  aheyd 25/12/2013 dil bareer ah uu u  geystay Max'ed Cabdi Aadan oo ay qoyskiisa sheegeen in ay ka qaadanayaa diyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya