4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 24, 2014
Qarax waxyeello geystay oo ka dhacay Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Bay

Isniin, February 24, 2014(HOL) —Warar aanu ka helnay degmada Qansaxdheere ee Gobalka Baay ayaa sheegaya in goob maqaayad ah oo ay fadhiyeen ciidamo ka tirsan dowladda uu qarax ka dhacay. Qaraxaasi wuxuu ahaa miinada dhulka lageliyo, lagana hago meelaha fog. Miinada ayaa waxaa la sheegayaa in ay ahayd dhowr xabo oo la is dulsaarey, sababtoo ah burbur wayn ayay u geysatey dhammaan goobaha ku dhow Maqaayadda Qaraxa ka dhacay.

Qaraxaas waxaa ku dhaawacmay tiro aad u badan iyadoo dhimashadana ay tahay 3 qofood. Waxaa kaloo goobtaasi dhaawac culus ka soo gaarey nin magaciisa nagu soo gaaray Cabdi kariin Cumar oo u shaqeeya hayada layiraahdo COOPI, waxaana la sheegay in ninkani ahaa dhaqtar xanaanada xoolaha u jooga degmada Qansaxdheere, mana aha markii ugu horreysay oo maqaayadaas lala eegto qarax , sababtoo ah maqaayaddaasi waxaa ka cunteeya qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Qansaxdheere.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan ciidamada Amisom ayaa caawa ka sii baxaya magaalada Baydhabo iyagoo ku wajahan deegaannada ay joogaan kooxda Al-shabaab, waxaana magaalada ka jira dhaqdhaqaaq ciidan oo ku wajahan deegaannada ay ka taliyaan kooxda al-shabaab.



Hiiraan online , Baydhabo