4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 24, 2014
Hay'adda NCA oo Ceel biyeedyo ka hergelisey tuulooyin ka tirsan gobolka Gedo
Isniin, February 24, 2014(HOL) :- Tuulooyinka Helo mareer iyo Malka'hidaa oo ka tirsan degmada Buurdhuubo  ee Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxaa laga hergeliyey Ceelal nooca loo yaqaan riigga, kuwaasi oo laga helay biyo badan, xilli dadka ku dhaqan tuulooyinkaasi ay cabashooyin ka muujinayeen xaalado biyo yari Maadaama,dadka halkaasi ku dhaqan ay yihiin xoolo dhaqato iyo Beeralay,

Howshan balaaran ee Qodista Ceelasha iyo Qalabeyntiisa ayaa Hay,add Samafalka Caalamiga ah ee NCA ee fadhigeedu uu yahay Gobolka Gedo iyo dadka deegaanka,iyadoo talaabadani oo wax tar weyn u leh dadka deegaanka ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey dadka ku dhaqan Tuullooyinkaasi oo iyagu markii hore biyaha u doonan jirey webiga ,balse dhibaatooyin xaga caafimaadka ah ku qabey.

Xaaji Maxamed Dhoore oo ka mid ah Odoyaasha Tuulada Helo Mareer ayaa ku amaanay mashruuca Ceelasha ah ee NCA ay ka hergelisey Tuullooyinka Hello mareer iyo malka hidaa oo uu sheegay dadka deegaanka in ay ahmiyad weyn ugu fadhido,isagoona sheegay dadka degan Tuulooyinkaasi oo tiradoodu ay ka badan tahay ilaa 2000 oo qoys in haatan ay haystaan Biyo macaan oo ku filan.
Sidoo kale Eng-ciid Cabdi oo ka mid ah Howl wadeenadii fulinayey dhismaha labadan Ceel oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay in lagu guuleystey qodista labada Ceel in laga helo Biyo macaan,isagoona tilmaamay talabaadani in ay keentay dadku in ay ka maar maan Biyaha webiga maadama dhibaatooyin badan ay ku qabeen,oo ay ugu weyn tahay xaga nadaafada iyo halista Yixaaska.

“Ceelasha Tuulobarwaqo iyo Ceelcadaba waxaa loo sameynayaa haamo shub ah oo biyaha gaarsiindoona cirifyada Deegaanada,taasoo sahlidoonto in dadku guryahooda biyo gashadaan,Ceelcade waxaa lagu xiridoonaa solar system biyaha kasoo saara ceelka, kaasoo yareynaya qarashka ku baxa shidaalka matoorka sidaasi waxaa yiri Cabdi Maxamed Cigaal oo ka mid ah Saraakiisha Hay,adda NCA ee gobolka Gedo.

Si kastaba ha ahaatee ceelashan oo qodistoodu ka socatay mudo dhowr asbuuc ah tuullooyinkaasi ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan xilli dadka reer miyiga ah ee ku dhaqan tuullooyin badan oo ka tirsan degmooyinka Gobolka Gedo ay baahi weyn u qabaan in laga saacido adeegyo ay ugu horeeyaan xaga biyaha.

..........
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.