4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 24, 2014
Golaha Wasiirrada PL oo ka shiray xoojinta ammaanka (SAWIRRO)

Isniin, Feberaayo 24, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada ee Puntland ayaa maanta shirkooda toddobaadlaha ah ee ay Isniin walba isugu yimaadaan, waxay uga hadleen arrimo dhowr ah oo ammaanka iyo horumarinta beerahu ay kamid ahaayeen.

Kulanka maanta oo uu shir-guddoominayey madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha C/xakiim  C/laahi Cumar (Camey), waxaa joogey 34 xubnood oo kamid ah 47 xubnood ee uu Goluhu ka kooban yahay.

Ugu horreyn wuxuu Goluhu maanta warbixin dheer oo ammaanka iyo sida looga gaashaaman karo weerarro argagaxiso oo Puntland ka dhaca uu ka dhegeystey wasiirka amniga, Cismaan Maxamuud Alloore.

Wasiirku wuxuu sheegay in ammaanka deegaanada Puntland uu xilligan yahay mid sugan, haseyeeshee ay lagama maarmaan tahay in feejignaan dheeri ah la muujiyo, maadaama -sida uu wasiirku sheegay- Ururka Al-shabaab uu qorsheynayo inuu awooddiisa usoo weeciyo dhinaca Puntland.


Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka ayaa isna maanta Golaha kahor akhriyey warbixin ku aaddan qorshaha wasaaradda ee mustaqbalka dhow iyo weliba dhinacyada u qorsheysan inay si gaar ah diiradda u saarto.

Arrimaha uu wasiirku soo hadal qaaday waxaa ugu muhiimsanaa, shaybaarro uu sheegay in la dhigi doono dekedda magaalada Boosaaso iyo kantaroollada Puntland laga soo galo, shaybaarradaas oo lagu hubin doono fayo-qabka iyo tayada cuntooyinka soo gelaya deegaanada Puntland.

Golaha wasiirrada Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas oo ka kooban 47 xubnood oo isugu jira wasiirro, wasiir ku-xigeenno iyo weliba wasiiru-dowleyaal, waxaa lasoo dhisay 28-dii bishii Janaayo ee sannadkan 2014.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya