4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 24, 2014
Caddoow oo Saraakiisha Ammaanka ugu Baaqay in ay is-casilaan

Axad, Feberaayo 16, 2014 (HOL) — Siyaasiga Cabdulllaahi Axmed Caddoow oo dhowr jeer isku soo taagay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, horayna wasiir uga soo noqday dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa waxaan la qaadan karin ku tilmaamay weerarkii lagu qaaday xarunta madaxtooyada Somalia.

Caddoow ayaa is-weydiiyay sida ay ku dhacday in loo dayaco amnga guud ee madaxtooyada oo ah xaruntii dalka looga talinayay iyo sababta direyska ciidamada dowladda loogu soo weeraray, ayna u ogaan waayeen hay'adaha amniga.

"Maxaa sababay in dharkii ciidamada lagu weeraro madaxtooyada dalka laga xukumo, maxaa sababay in dayacaad intaas le’eg ay dhacdo, miyeysan jirin war-doon - tan kale hay'adaha amniga maxay qabanayeen -  waa wax aan la qaadan karin waa meeshii ugu dambeysay ee saldhigga Qaranka ahayd," ayuu yiri Caddoow.

Siyaasiga ayaa ugu baaqay hay'adaha amniga dowladda Soomaaliya inay booska baneeyaan oo ay is-casilaan, waxaana wax aad looga xumaado uu ku tilmaamay qaabkii uu ku dhacday aaskii mas'uuliyiintii ku dhintay oo uu sheegay in qaab beeleed loo aasay.

"Hay'adaha ammaanka mas'uuliyada iyagay ku fooraartaa ee ha is-casileen oo kursiga ha banneeyeen," ayuu yiri Caddoow oo ah siyaasi mas’uuliyado kala duwan kasoo qabtay dowladihii hore ee Soomaaliya; haddana ku nool dlaka Mareykanka.

Dhinaca kale, abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo la hadlayay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in weerarkaas laga gol-lahaa in lagu dilo madaxweynaha, isla markaana uu ahaa shirqool la maleegay oo ay ku lug lahaayeen saraakiil ku dhow madaxtooyada.

Hadallo kala duwan ayaa laga soo saarayay weerarkii Jimcihii lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo wararka laga soo saarayay loogu jeedinayay dhaliil mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya