4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2014
Gaas oo la kulmay wasiirka Gaashaandhigga ee Itoobiya (SAWIRRO)

Isniin, Feberaayo 24, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo isaga iyo wafdi uu horkacayaa ay shalay dalka Itoobiya uga bilaabatay booqasho muddo shan maalmood ah qaadan doonta, ayaa maanta kulan la qaatay wasiirka gaashaan-dhigga ee dalkaas Siraj Fagessa.

Kulanka labada mas'uul oo ka dhacay xarunta wasaaradda gaashaan-dhigga, waxaa sidoo kale goob joog ahaa taliyaha ciidamada difaaca Puntland Jen. Siciid Dheere iyo taliyaha ciidamada qalabka sida ee Itoobiya Maxamed Yonis Samora.

Qodobada kulanka diiradda lagu saaray waxaa ugu muhiimsanaa: xoojinta xiriirka ka dhexeeya labda dhinac iyo sidii ay iskaashi xooggan uga yeelan lahaayeen dhanka nabadgelayada, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha Puntland ayaa soo bandhigay baahiyaha militeri ee ay Puntland xilligan qabto, si gaar ah madaxweynuhu wuxuu dowladda Itoobiya uga codsaday inay Puntland gacan ka siiso tababarista iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Puntland.



Wasiirka gaashaandhigga ee Itoobiya
Siraj Fagessa, ayaa isna dhankiisa sheegay in xiriirka Itoobiya iyo Puntland uu yahay mid wanaagsan muddo aad u dheerna soo jirey, wuxuuna sheegay in dowladda Itoobiya ay ka go'an tahay sidii ay si dhakhso ah ugaga jawaabi lahayd baahiyaha dhanka militeriga la xiriira ee ay Puntland codsatay in laga taageero.

Wefdiga madaxweynaha Puntland waxaa kamid ah: wasiirka arrimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan, wasiirka warfaafinta Cabdiweli Indho-guran , taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Jen. Siciid Dheere iyo hawl-wadeenno ka tirsan madaxtooyada.

Isla maanta ayuu Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas wuxuu la kulmi doonaa ra'iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn. Booqashada Madaxweynaha Puntland ee dalka Itoobiya ayaa qaadan doonta muddo shan maalmood ah.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya