3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 24, 2014
Gal-guduud: Injineero Keenyaati ah oo madax-furasho laga doonayo

Isniin, Feberaayo 24, 2014 (HOL) —Dabley hubeysan oo loo maleynayo inay burcad-badeed yihiin, kuwaas oo dhowaan labo nin oo injineerrada dhismaha ah oo u dhashay dalka Kenya ka afduubtay magaalada Muqdisho, ayaa dalbaday lacag badan oo madax-furasho ah.

Xog-hayaha Midowga Bad-maaxiinta Kenya Andrew Mwangura -ayaa isaga oo magaalada Mombasa ku sugan- wuxuu warbaahinta u sheegay warka ku saabsan afduubka labada injineer oo la shaqeynayey shirkad dhisme oo ka howlgasha magaalada Muqdisho.

"weli waxan la xiriireynaa qaraabada la haystayaasha, waxase naloo xaqiijiyey in rag hubeysani ay haystaan injineerrada Kenyan-ka ah" Adrew Mwangura ayaa sidaas yiri isagoo intaas raaciyey " sida aanu wararka ku heleyno labadooduba way bedqabaan, dableyda ay gacanta ugu jiraanna madax furasho ayey dooneysaa"

Kooxda afduubka geysatey ayaa dalbtay madax-furasho gaareysa 80milyan oo shilinka Kenya ah, lacagtaas oo u dhiganta ku dhowaad hal milyan oo doolarka maraykanka ah.

Labada injineer waxaa bishii January 13-keedii laga afduubtay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, wuxuuna afduubkoodu kor u qaadayaa tirada muwaadiniinta Kenyan-ka ah ee tan iyo sannadkii 2012 lagu qafaashay Soomaaliya, tiradaas oo xilligan ah lix qof oo ay labo askar ahi ku jiraan.

Xigasho: Capital FM

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya












Click here
2/24/2014 4:36 PM EST
Isniin, February 24, 2014(HOL) —Xuska Maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis. Waxaa soo qabanqaabiyay xuska Meertada Afka & Suugaanta Soomaaliyeed Iyo waliba Naadiga Qalinleyda & Halbuurka ee PEN kulankan oo hal-ku-dheg looga dhigay sanadkan ( U HIILLI AFKAAGA HOOYO).

2/24/2014 4:32 PM EST
Isniin, February 24, 2014(HOL) —Warar aanu ka helnay degmada Qansaxdheere ee Gobalka Baay ayaa sheegaya in goob maqaayad ah oo ay fadhiyeen ciidamo ka tirsan dowladda uu qarax ka dhacay. Qaraxaasi wuxuu ahaa miinada dhulka lageliyo, lagana hago meelaha fog. Miinada ayaa waxaa la sheegayaa in ay ahayd dhowr xabo oo la is dulsaarey, sababtoo ah burbur wayn ayay u geysatey dhammaan goobaha ku dhow Maqaayadda Qaraxa ka dhacay.

2/24/2014 9:32 AM EST
Isniin, February 24, 2014(HOL) :- Tuulooyinka Helo mareer iyo Malka,hidaa oo ka tirsan degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxaa laga hergeliyey Ceelal nooca loo yaqaan riiga ,kaasi oo laga helay Biyo badan,xilli dadka ku dhaqan tuulooyinkaasi ay cabashooyin ka muujinayeen xaalado biyo yari Maadaama,dadka halkaasi ku dhaqan ay yihiin xoolo dhaqato iyo Beeralay,

2/24/2014 7:26 AM EST
Isniin, Feberaayo 24, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada ee Puntland ayaa maanta shirkooda toddobaadlaha ah ee ay Isniin walba isugu yimaadaan, waxay uga hadleen arrimo dhowr ah oo ammaanka iyo horumarinta beerahu ay kamid ahaayeen.

2/24/2014 7:14 AM EST
Axad, Feberaayo 16, 2014 (HOL) — Siyaasiga Cabdulllaahi Axmed Caddoow oo dhowr jeer isku soo taagay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, horayna wasiir uga soo noqday dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa waxaan la qaadan karin ku tilmaamay weerarkii lagu qaaday xarunta madaxtooyada Somalia.

2/24/2014 6:52 AM EST
Isniin, February 24, 2014(HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Cabdi Afeey.

2/24/2014 6:35 AM EST
Isniin, Feberaayo 24, 2014 (HOL) — Ciidammo aad u qalabeeysan oo ka tirsan kuwa Itoobiya ee dhawaan ku biiray AMISOM ayaa waxay ay soo gaareen deegaan lagu Buursagaar oo u dhexeeya degmooyinka Beledxaawo iyo Garbahaareey.

2/24/2014 6:00 AM EST
Isniin, Feberaayo 24, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo isaga iyo wafdi uu horkacayaa ay shalay dalka Itoobiya uga bilaabatay booqasho muddo shan maalmood ah qaadan doonta, ayaa maanta kulan la qaatay wasiirka gaashaan-dhigga ee dalkaas Siraj Fagessa.

2/24/2014 4:56 AM EST
Isniin, Feberaayo 24, 2014 (HOL) — Bannaanbax ballaaran oo ay dadweyne boqollaal gaarayaa kasoo qayb galeen, ayaa maanta ka dhacay degmada Buuraburde ee gobolka Hiiraan oo kamid ah deegaanada ay ka arrimiso Xarakada Al-shabaab.

2/23/2014 11:58 PM EST
Isniin, Feberaayo 24, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay casho-sharaf soo dhowayn ah loogu sameeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaas oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayaa ay shalay gaareen.