4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 24, 2014
Madaxweynaha Puntland oo Addis Ababa lagu soo dhoweeyey

Isniin, Feberaayo 24, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay casho-sharaf  soo dhowayn ah loogu sameeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaas oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayaa ay shalay gaareen.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiirka arrimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan, wasiirka warfaafinta Cabdiweli Indho-guran , taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Jen. Siciid Dheere iyo hawl-wadeenno ka tirsan madaxtooyada.

Casho-sharafta waxaa ka soo qayb galay wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Tedros Adhanom , Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya Wandhimo Asaminow , safiiradda geeska Afrika iyo weliba Diblumaasiyiin Ethiopian ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay masuuliyiinta Ethiopia xoojinta xiriirka nabadgelyo iyo ganacsi ee u dhaxeeya labada dhinac. Docda kale, Madaxweyne Gaas wuxuu la kulmi doonaa ra'iisul wasaaraha dalkaas Hailemariam Deselegn.

Booqashada madaxweynaha Puntland uu ku joogo dalka Ethiopia ayaa qaadan doonta muddo shan maalmood ah, waana tii ugu horreysey ee uu dalka dibaddiisa ugu baxo tan iyo markii la doortay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya