4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 23, 2014
Hotel ay degan yihiin Musharrixiin u taagan Madaxtinnimada Maamulka K/Galbeed Soomaaliya oo Bambo gacmeed lagu tuuray

Axad, Feberaayo 23, 2014 (HOL) —Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa sheegaya in caawa bambo gacmeed lagu tuuray Hotel Kulmiye oo magaaldaas ku yaalla, kaasi oo ay degan yihiin musharrixiin isu soo taagay xilka madaxweynenimada dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya qeybta 6da gobol.

Musharrixiinta Hotelka deggan ayay wararku nagu soo gaarayaan in ay ka mid yihiin Dr. Maxamed Cali Xaamud, Maxamuud Sayid Aadan iyo Madoobe Nuunow. Hotelka oo ay sidoo kale degan yihiin Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa bambo gacmeedkaas lagu tuuray wuxuu geysay dhaawac soo gaaray ilaaladii Hotelka iyo ilaaladii musharrixiinta iyo xildhibaanno hotelka deggan, waxaana haatan lagu daweynayaa dhaawacyada ilaalada  Isbitaalka Magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo oo xilliga habeenkii ku jirta bandow dadka loo diiday dhaqdhaqaaqyada ayaa haddana waxaa laga soo sheegayaa bambooyin lagu tuuro goobaha la sheego in ay degaan mas'uuliyiinta maamulka gobolka iyo goobaha la sheego in ay degaan musharrixiinta maamulka K/Galbeed sida caawa dhacday oo kale, waxaana horay u jirtay in bambo gacmeed lagu tuuray guriga guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Baydhabo ay geysatay dhaawaca guddoomiyaha iyo qaar ka mid  ah ilaaladiisa.

Ugu dambeyntiina, Magaalada Baydhabo oo ay ka socdaan shirar aan isku ujeeddo ahayn oo la doonayo in maamul loogu dhiso Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa labada dhinacba la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre oo labada dhinacba u sheegay in uusan ugu imaan in uu shirarkooda joojiyo, hayeeshee uu u socdo in uu dhegeysto fikradahooda iyo in uu u sheego in ay midnimada ka wanaagsan tahay in ay la iskhilaafo oo la kala tago.


Hiiraan Online, Baydhabo