4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 23, 2014
Ururka SUN oo aqoon isweydaarsi ku saabsan Guurka qasabka ah iyo Gudniinka Gabdhaha ku qabtay Sweden (SAWIRRO


Axad, Feberaayo 23, 2014 (HOL) —Ururka Somaliska Ungdomsnätverket (SUN) ee ka dhisan Magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden ayaa wuxuu magaaladaas ku qabtay dood cilmiyeed ku saabsan Guurka qasabka ah  iyo Gudniinka gabdhaha.

Aqoon isweydaarsiga oo ay ka qeybgaleen dad badan oo ka kala yimid magaalooyinka Stockholm, Katrineholm iyo Eskilstuna ayaa waxay qeybgalayaasha si weyn uga doodeen sida dhalinyarada guur-doonka ah ay iyagu uga arrinsan karaan aayaha guurkooda, iyadoo aanan lagu qasbin guur aysan raali ka ahayn.

Furitaankii Dood-wadaagga waxaa ka hadlay Xoghayaha guud ee Ururka SUN Maxamed Khadar iyo Mukhtaar Maxamed Yuusuf oo ka mid ah howl-wadeennada Ururka, waxayna soo dhaweynta ka qeybgalayaasha kaddib ay labaduba faahfaahin ka bixiyeen hadafka ay u qabteen aqoon isweydaaarsiga,iyagoo xusay in ay muhiim u arkeen in arrintan laga doodo.

Aqoon isweydaaarsiga waxaa ka hadashay Sara Karlsson oo ah Xilibaanad ka tirsan barlamaanka dhexe ee waddanka sweden, waxayna ku dheeraatay muhiimadda ay u leedahay dhalinyarada in ay ayahooda ka tashadaan, isla markaana ay mustaqbalkooda iyagu doortaan, waxayna sheegtay in iyada oo ah qof aan hadda la qabin ay leedahay wiil ay aabihiis kala tageen, sidaasna ay iyada dooratay.

Sara oo sii hadlaysay waxay intaas ku dartay in ay aad ugu faraxsan tahay in ay ka soo qeybgasho aqoon is-weydaarsi ay leeyihiin dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaasi oo qodobo muhiim ah ka arrinsanaya, waxayna hoos ka xariiqday in wax kasta oo isku duubni lagu gaaro ay wax bedeli karaan, halka aan kali kali waxba lagu qaban karin, waxayna tusaale u soo qaadatay baarlamaanka ay ka tirsan tahay oo aan kali kali wax looga bedelin marka ay timaado in sharci la beddelo ama la soo saaro.

Macallin C/risaaq Xuseen oo ka mid ah siyaasiyiinta Degmada Eskilstuna ayaa isna aqoon isweydaarsiga hadal dheer ka jeediyay, wuxuuna aad u faahfaahiyay isku dhacyada dhaqan ee ay ku dhex dhacaan Soomaalida marka ay yimaado wadamo dhaqamo kale leh sida wadanka Sweden oo kale, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in isku dhacyada dhaqamada ay yimaadaan marka Caruurta iyagoo yar la keeno wadanka Sweden ama ku dhasha, kaddibna ay timaado isfaham darro waalidiinta iyo caruurta ah, ayna waalidiinta iyo caruurta kala heystaan labo sawir oo aan isku mid ahayn.

HALKAN KA DAAAWO SAWIRRO KALE

Ardayda Iskuullada oo kale ayuu tusaale u soo qaatay, wuxuuna tilmaamay in ardayda marka ay Iskuullada joogaan ay si u dhaqmaan, halka guriga marka ay tagaanna ay waalidka kula dhaqmaan dhaqan ka duwan midkii Iskuulka, taasina ay sabab u noqoto in waalidka iyo caruurta aysan isku jiho u socon.

C/risaaq Xuseen wuxuu tusaalooyin u soo qaatay sida uu isugu xiran yahay dhaqanka Soomaaliyeed laga soo billaabo kor illaa gunta hoose laga gaaro, halkaasoo ay caruurta u geleyso wixii lagu barbaariyo xumaan iyo sammaan. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in gunta hoose aan la bedeli karin loona baahan yahay in caruurta loo dhigo wax wanaagsan oo mustaqbalka marka ay weynaadaan u noqdo dhaqan suubban.

Sidoo kale waxaa Aqoon isweydaarsiga ka hadashay Mulki Asad oo ka timid Magaalada Stockholm, isla markaana ku takhasustay cilmiga bulshada. Mulki waxay ka hadashay gudniinka gabdhaha iyo dhibaatooyinka ay mutaan marka ay caadada ay gaaraan, marka la guursado iyo marka ay dhalayaan intaba.

Mulki Asad intii ay hadlaysay  waxaa ay soo bandhigtay film kooban oo ka hadlaya dhibaatada gudniinka gabdhaha oo ay soo diyaariyeen haween Soomaaliyeed oo Ingiriiska ku nool, kuwaasoo soo bandhigay in gudniinka uu yahay mid caado ah oo dhibaato weyn ay ku qabaan dumarka, waxayna u rajeeyeen hablaha iyagoo yar yar la keenay waddamada reer galbeedka iyo kuwa ku dhashay in aysan dhibaatadaas ku dhicin.

Abwaan Maxamed Tabaarak oo ka mid ah waalidiintii iyo suugaanyahannadii aqoon isweydaarsiga ka soo qeybgalay ayaa tix gabay ah oo uu ku ammaanay dumarka Soomaaliyeed iyo in aysan istaahilin in la jarjaro jirkooda soo jeediyay, wuxuuna mar uu hadlay uu caddeeyay in uu gebi ahaanba ka soo horjeedo gabdhaha la gudo, isla markaana jirkooda la jarjaro.

Intii uu socday Aqoon isweydaarsiga ayaa waxaa ka qeybgalayaasha loo kala saaray shan koox ama group, kuwaasi oo loo qeybiyay afar su'aalood oo ku saabsan guurka qasabka ah iyo gudniinka gabdhaha, waxayna ka qeybgalayaasha isku raaceen in guurka qasabka ah uu yahay mid aan u wanaagsaneyn labada qof ee qasabka la isugu daray, maadaamaa ay iyagu yihiin dadka ugu dambeynta dhaqmi doona, sidaas darteedna loo baahan yahay in lammaanuhu ay iyagu is-doortaan, iyagoo tixgelinaya waalidiintooda.

Su'aashii ku saabsaneyd Gudniinka gabdhahana waxaa la isku raacday in aan gabdhaha la gudin, si taas looga gudbana wacyigelin diineed iyo mid aqooneed loo sameeyo waalidiinta si aysan ugu dhicin in ay gudaan gabdhaha. Dalka Swedenn ayaa wuxuu ka mid yahay wadamada adduunka ee sharci ahaan u soo saaray in ay mamnuuc tahay in la gudo gabdhaha.

Ugu dambeynbtiina, Dhalinyarada Ururka SUN ku bahoobay ayaa waxay yihiin kuwo door muuqda ku leh Sweden, gaar ahaan degmada Eskilstuna, waxayna sawir wanaagsan u yihiin Soomaalida ku dhaqan degmada.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]