4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 23, 2014
Qabyaaladda oo Kenya meel halis ah gaarsiisay iyo shaqo yari jirta

 
Axad, Feberaayo 23, 2014 (HOL) — Fursadaha shaqo ee dalka Kenya ayaa la sheegay in ay afduubteen seddex qowmiyadood oo ka mid ah qabiillada ugu tunka weyn dalkaasi, iyadoo ay jiraan eedaymo kala duwan oo dowladda arintaa ay kala kulmayso.

Warbixin la soo saaray  sanadkii la soo dhaafay ayaa muujinaysa in qabiilka Kikuya ay kaalinta koowaad kaga jiraan eedaymahan, waxaana dowladda dhexdeeda iyo shaqooyinka guudba ugu jira shaqaale dhan 52,787 oo ruux.

Kaalinta labaad waxaa ku jira qowmiyadda Kalenjinta  waxayna shaqooyinka dalkaas ka yihiin 15.3 per cent ,iyaga oo  haysta shaqaale dhan 36,069 oo ruux oo isugu jira rag iyo dumar halka qowmiyadda Luhya ay ayagana fursadahaas ka haystaan 26,777 qof oo ka tirsan qabiilkaas.

Beesha Kikuyaha ayaa tirakoob la sameeyay sannadkii 2009-kii waxaa lagu sheegay inay gaarayaan 6.62 milyan oo ruux ,isla markaan ay maamulaan tirada ugu badan ee shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo gooobaha kale ee muhiimka u ah dalka oo dhan.

"Wadanka qabyaaladdu cudur kuma ahayn markii hore ,balse hadda arintu kor ayey u sii kacaysaa "ayey tiri Prof.Margaret Kobia oo madax ka ah guddiga adeegga guud ee bulshada Kenya ,iyadoo tilmaamay in qataro badan ay soo socdaan.

Qiimayn  guud oo  lagu sameeyay dadka shaqeeya Kenya ayaa lagu sheegay in raggu ay gaarayaan 19,192,458  oo qof ,halka dumarkuna ay dhan yihiin 19,417,639 oo dumar ah ,inkastoo warbixinta si gaar ah loogu dhaliilay Kikuya oo uu ka dhashay madaxweynaha iminka talada haya.

Ragga shaqaalaha ah ee qowmiyadda Kikuyaha ayaa gaaraysa 32,827, halka dumarkana ay gaarayaan 19,960 dumar ah, waana tiro aad u badan marka la bar-bar dhig qowmiyadda Masayda oo iyagu tirada guud ee shaqaysa ay dhan yihiin 3,449 oo 630 kamid ah ay yihiin dhadig.

Ugu danbayntii dadka shaqeeya Kenya ayaa da'doodu ay  u badan tahay 31- ilaa 40 sano jir oo ka tirsan qowmiyado gaar ah  ,mana jiro wax war ah oo dowladda wadankaas ay ka soo saartay arimahan oo wax ka badali kara qowmiyadaha qaar ee ku xaqiran fursadaha ka jira dalkaas ee dhinaca shaqada.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]