4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 23, 2014
Ururro kulan looga hadlay Amniga ku yeeshay Muqdisho (SAWIRRO)
Axad, Feberaayo 23, 2014 (HOL) — Kulan looga hadlayay ammaanka oo ay isugu yimaadeen ururada bulshada rayidka ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo kulankaas ay kasoo qayb-galeen, odayaasha dhaqanka, culumaa'uddiin, haween iyo dhallinyaro.

Kulankan oo ay soo agaasintay hay'adda wadahadalka bulshada ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay qaybaha bulshada, kuwaasoo tusaale iyo tilmaam ka bixinayay sida kaliya ee lagu suuro-gelin karo adkeynta amniga iyo wada-shaqeynta bulshada.

Guddoomiyaha dallada ururrada bulshada rayidka,Muxiyadiin Xasan Afrax oo ugu horreyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ammaanka lagu sugi karo iskaashi iyo wada-shaqeyn dhex-marta hey'adaha amniga iyo bulshada.

"Xiriir iyo wada-shaqeyn dhex-marta bulshada rayidka iyo hay'adaha amniga ayaa looga hortegi karaa amni-darada, waxaa kaloo aaminsannahay in shacabka ay sahmin karaan meelaha ay wax kasoo abaabulayaan nabad-diidka," ayuu yiri Afrax.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in waligeed bulshada ay hormuud u ahayd sugidda ammaanka dalka, isla markaana ay meel uga soo wada-jeestaan kooxaha nabadda kasoo horjeeda ee dalka qal-qalka ku haya.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:



"Isku-dayga meelaha ka jira waxay ku dhaceen feejignaan la’aan, aan sameyno laba kacleyn xoog leh, waa lala diriraa, dagaalka bulshada ayaa ka maqan, waa in bulshada dagaalka gashaa oo Al-shabaab meel looga soo wada-jeestaa," ayuu Afrax hadalkiisa ku daray.

Iimaan Maxamed Yuusuf Cali oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in bulshada looga baahan yahay inay sameyso isku duubni iyo wadajir, si looga hortago falalka argagax-gelinta ah ee ay wadaan kooxaha nabadda kasoo horjeeda.

"Waa in bulshada gacmaha is-qabsato, dadka iyo dalkeenna aan ilaashano, hadii bulshada iska war-qabto wax walba waa suuro-galeysaa, waxaa rabnaa in la isku xirnaado, nabadeenna aan ilaashano," ayuu yiri Iimaan Maxamed Yuusuf.

Nabadoon Maxamed Cabdi Shido oo ka mid ahaa waxgaradkii ka hadashay kulanka ayaa isna sheegay inay muhiim tahay in la wacyi-geliyo dhallinyarada oo kuwa la qalday laga soo celiyo.

"Kuwa Al-shabaab ku biiray waa wiil waalidkii ku caasiyay, waxaa bulshada Soomaaliyeed kula dar-daarmeyaa inay u istaagto inta dhiman in la maji xaabiyo, dowladda Soomaaliya waxaa ugu baaqeynaa in amniga ay xoojiso," ayuu yiri nabaddoon Shido.

Xasan Cali Waranto oo ah xildhibaan hore ayaa isaguna kulanka sheegay in dhallinyarada ay yihiin mustaqbalka berri, isla markaana loo baahan yahay in la wacyi-geliyo, ayna culimadu u istaagto fulinta arrintaas.

"Doorka culimada waa lagama maarmaan, in masaajidda ay ka wacyi-geliyaan bulshada, in la wacyi-geliyo dhallinyarada la qalday, haloo sheego dhallinyarada inay yihiin mustaqbalka berri, ayna lagama maarmaan tahay in dalkooda ay hormariyaan," ayuu yiri Waranto. Sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahan yahay in shacabka ay meel uga soo wada-jeestaan cadawga Soomaaliyeed.

Ruqiyo Cali Cabdulle oo ka mid ah haweenka bulshada rayidka ayaa iyadana sheegtay in lagama maarmaan ay tahay doorka haweenka, isla markaana haweenku ay udub dhexaad u yihiin bulshada, marka ay timaado abaabulka bulshada.

Ugu dambeyn, xubnihii ururrada bulshada rayidka ee ka qayb-galay kulanka ayaa ka dooday qodobbo dhowr ah oo ku saabsanaa lagama maarmaanimada in bulshada ay u istaagto adkeynta nabadgelyada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya