4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 23, 2014
Gudi soo afjaray khilaafkii u dhexeeyay xisbiga Kulmiye (SAWIRRO)

Axad, Feberaayo 23, 2014 (HOL) — MGuddida Turxaan bixinta xisbiga kulmiye ee uu dhowaan madaxweyne Siilaanyo u saaray ayaa sheegay inay soo afjareen khilaafkii ragaadiyey xisbiga taladda haya ee KULMIYE.

Khilaafkan kulmiye dhexdiisa ka jiray ayaa bilihii u dambeeyey si weyn usoo shaacbaxday, taas oo keentay in dhawr jeer dib loo dhigo shirweynihii xisbigaasi qabsan lahaa.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa guddi wasiiro u badan u saaray xal ka soo gaadhida khilaafka xisbiga udhexeeya, waxaanay xalay kulan ku yeesheen madaxtooyada, kuwaas oo garabyadii is hayey ka dhex muuqdeen.

“Sida aad la socotaan waxaa madaxweyuhu u magacaabay gudi turxaan bixin khilaafka  soo kala dhex galay madaxda sare ee xisbiga Kulmiye kaas oo saamayn ku yeeshay qabsoomida shirweynaha sadexaad ee xisbiga Kulmiye. Gudidaas oo ka koobnayd toban xubnood waxay si mug iyo miisaan leh  uga hawl gashay shaqadii loo igmaday”ayaa lagu yidhi qoraal ay soo saareen gudidda khilaafsaarka xisbigaasi.

“Gudidu si ay u daristo baaxada khilaafka iyo waxa lagu kala cabanayo waxay kulamo gooni gooni ah la yeelatay dhinacyadii wax kala tirsanayey iyadoo dhinacwalba la yeelatay sadex kulan oo gaar ah. Si  khilaafka loo fududeeyo waxay gudidu kulamo shakhsi shakhi ah la yeelatay xubnaha xisbiga ee kala cabanayey kaas oo ay u kala dab qaadaysay (shuttle diplomacy). Kulamadaas gaar gaarka ah ka dib waxay gudigu si toos ah isu soo hor fadhiisiyey dhinacyadii wax kala tirsanayey kuwaas oo dhinac waliba ku soo bandhigay wixii uu tirsaanayey si furan oo saraaxad leh”ayey raaciyeen hadalkoodda.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Guddidan loo saaray inay soo xaliyeen khilaafka ka dhexjiray madaxda sare ee KULMIYE ayaa soo saaray go’aamo ay ka mid yihiin kuwan hoosta ku qoran:

1. Waxaa awooda qaban qaabada iyo diyaarinta shirka iska  leh gudida qabanqaabada shirweynaha, waxaana gudidaas musdanbeed u noqonaya hogaanka xisbiga.

2. Iyada oo raacayo dastuurka xisbiga waxay gudiga fulintu ansixinaysaa afarta xubnood ee lagu soo daray gudida qabanqaabada,

3. Hadii loo baahdo waxka bedelka dastuurka xisbiga waxaa awooda diyaarinta waxka bedelka yeelanaya gudida fulinta, waxaana soo jeedintooda ay u gudbinayaan gudida qabanqaabada oo iyana u gudbin doonta shirweynaha.

4. Iyada oo la dhawrayo wada jirka xisbiga waxay gudidu go’aamisay in dhammaan xubnaha hogaanka oo kala ah gudoomiyaha, afartiisa kuxigeen iyo xogahaya guud sidooda loo daayo oo aan cidi kula tartamin isla markaana shirweynaha dib loogu soo doorto si loo mariyo sharciyada

5. In Cabdicasiis Maxamed Samaale uu ka mid noqdo gudida fulinta  ee xisbiga.

6. gudida fulinta ee cusub waxaa soo magacaabaya  hogaanka  xisbiga oo wada jira , waxaanay  kala tashanayaan  Madaxwaynaha  JSL.

7. Saddexda urur ee kala ah  Dalsan  , Damal iyo Umadda waa in la siidaayo  liisaska xubnaha  Golayaashooda dhexe si ay uga qayb galaan shirwaynaha xisbiga ee soo socda .

8. Sida uu dhigayo sharciga xisbigu  Ergooyinka shirwaynuhu  waxay ka imanayaan  gobolada  iyo degmooyinka , waxaana soo xulaya  madaxda  xisbiga  ee degmooyinka iyo Gobolada iyo  masuuliyiinta heer qaran ee  xisbiga u  matalaya  gobolada iyo degmooyinka .

9. Soo xulista xubnaha golaha dhexe  ee lagu  dooran doono  shirwaynaha waxaa lagu soo xulayaa  sida ku cad qodobka  sideedaad.

Guddidan turxaan saarka xisbiga ayaa ka kooban toban xubnood, waxaana hogaaminayey wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cadami oo sheegay in halkaasi lagu soo afjarya khilaafkii xisbiga ka dhexjiray.

Khilaafkan ayaa xisbiga kulmiye laba garab u qaybiyey, kuwaas oo kala raacay madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka Maaliyadda oo dhinac ah iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye iyo ku xigeenkiisa oo dhinac ah, taasina waxay keentay in hawl maalmoodkii xisbigu socon waayo, isla markaana meel adag gaadho.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland