4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 23, 2014
Ra'iisal wasaaraha oo ka qaybgalay dibadbax ka dhan ah Al-shabaab

Axad, Feberaayo 23, 2014 (HOL) — Fagaaraha beerta nabadda ee Muqdisho waxaa maanta ka dhacay bannaabaxii ugu weynaa oo ay soo qaban-qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir iyo ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, ayna gacan ka geysatay hay'adda wadahadalka bulshada (CCD) ayna ka qayb galeen boqollaal dadweyne oo ka kala socday 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed, guddoomiye  ku xigeenka koowaad ee gobolka baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar, wasiiradda haweenka, Khadiijo Maxamed Diiriye, guddoomiyaha haweenka Banaadir, Jawaahir Baarqab, guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe iyo madax kale oo fara badan ayaa iyaguna ka qaybgalay.

Wasiiradda haweenka iyo qoyska, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa khudbad gaaban oo ay halkaasi ka jeedisay ku sheegtay in shucuurta dadweynaha Muqdisho ay ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin falalka Al-Shabaab ay ka geysaneyso magaalada Muqdisho.

"Dadweynaha Muqdisho oo kaashanaya dowladdooda waxay maanta diyaar u yihiin inay ka hor-tagaan kooxaha ka horjeeda nabadda iyo jirtaanka dowladda" ayay tiri wasiiradda oo ku ammaanay dadweynaha Muqdisho sida uga go'an tahay dagaal ay la galaan cadowgooda.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:



Sidoo kale; waxaa halkaas khudbad gaaban ka jeedisay guddoomiyaha haweenka Qaranka iyo guddoomiyaha haweenka maamulka gobolka Banaadir, waxayna iyana sheegeen in falalka argagaxisada ay muujineyso cadowtinimada ay u qabaan dadka Soomaaliyeed, iyagoo intaas ku daray in laga adkaanayo kooxaha cadowga ku ah Qarannimada Soomaaliya.

Dadweynaha isaga kala yimid 17-ka degmo ee gobolka Banaadir oo watay boorar ay ku qornaayeen "Doonimeyno Argagixisada, Shabaab doonimeyno" iyo ereyo kale ayaa goobta dibadbaxu ka dhacayay ku sugnaa, iyadoo dadweynaha qaarkood ay muujinayeen shucuur ay ku muujinayeen inay ka horjeedaan falalka amni-darro ee ay Al-shabaab ka geysanayso Muqdisho.

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, C/Weli Sheekh ayaa markii uu soo galay beerta nabadda oo uu ka dhacayay dibadbaxa wuxuu salaan kula dhaqaaqay dadweynihii dibadbaxa ka qayb-galay, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad gaabanisagoo hoosta ka xariiqay in dowladdiisu ku garab istaageyso shacabka Muqdisho dagaalka looga horjeedo Al-shabaab.

"Dowladda federaalka Soomaaliya waxay garab taagan tahay, isla markaana gacan ku siinaysaa dadweynaha Muqdisho sidii kooxaha Al-shabaab dalka oo dhan looga saari lahaa," ayuu yiri C/weli Sheekh oo uga mahad-celiyay dadweynaha gobolka Banaadir sida ay isku soo abaabuleen; iyagoo shucuurtooda ku muujinaya inay u midoobaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowgooda.

Ugu dambeyn, ra'iisal wasaaraha ayaa ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed inay mar walba hormuud u yihiin xornimada dalka, maantana shucuur taas la mid ah ay ku muujiyeen inay u midoobaan burburinta wax uu ku tilmaamay kooxaha cadowga ah ee Al-Shabaab oo uu sheegay inay la galayaan dagaal aan loo kala hareyn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya