4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 23, 2014
Madaxweynaha Puntland oo maanta u dhoofay Itoobiya (SAWIRRO)

Axad, Feberaayo 23, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Garoowe ee dalka Itoobiya halkaaso la sheegay inuu kaga qaybgalayo shir.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka oo ay ka mid yihiin madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar, guddoomiyaha baarlamaanka Siciid Xasan Shire, wasiiro, taliyeyaasha ciidamada kala duwan iyo xubno ka tirsan dowladda ayaa ku sii sagootiyay garoonka , waxana uu salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan daraawiishta iyo baambeyda Puntland.

Safarka madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inay tahay booqasho rasmi ah, iyagoo magaalada Addis Ababa kula shiri doonna madaxda sare ee dalka Itoobiya oo uu ku jiro ra’iisul wasaaraha dalkaas.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:



C/wali Gaas inta uusan ka dhoofan garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa hadal uu saxaafadda siiyay wuxuu kaga wrabiixyay ujeedka socdalkiisa wuxuuna sheegay in uu yahay mid uu kula soo xaajoon doono madaxda ugu sareysa dalkaas, xoojinta xiriirka labada dhinac; gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada iyo ganacsiga.

“Maanta waxaan u ambabaxayaa Itoobiya oo aan casuumaad rasmi ah ka helnay, waa dowladda aan deris nahay oo wax badani naga dhaxeeyaan, waxaan u soconaa xoojinta xiriirka Puntland iyo dowladda Itoobiya,’’ ayuu yiri Gaas.

Booqashadan ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinaya wasiirka arrimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan, wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi Cabdulle, taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland, Jen. Siciid  Maxamed Xirsi iyo saraakiisha ka tirsan madaxtooyada.

Ugu dabmeyn, wuxuu ku sheegay madaxweynaha booqashada waftiga Puntland ay Itoobiya ku tagayaan wuxuuna ku sheegay inuu yahay mid qaadan doonna maalmo kooban.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo,Soomaaliya