4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 23, 2014
Maamulka Puntland oo ka digay saamaynta amni-darrada Somalia

Axad, Feberaayo 23, 2014 (HOL) — Waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalooyinka Puntland, gaar ahaana Garoowe oo ah xarunta Puntland, waxaana la arkayey ciidammo fara badan oo heegan la galiyey si ay uga hortagaan dhacdooyinka wax u dhimi kara ammaanka.

Xarumaha dowladda sida madaxtooyada oo ku taalla duleedka Garoowe ayaa u muuqanaysay in la kordhiyay tirada ciidamada ilaalada ka ah, waxaana socda baaritaanno kala duwan oo lagu sameeynayo gaadiidka galaya madaxtooyada.

Arrintan waxaa la sheegay inay daba-socoto weerarkii ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya, kaaso si toos ah ay u qaadeen ciidamo ka tirsan ururka Al-Shabaab ee dowladda dagaalka xooggan kula jira, waxaana Puntland ay ka digeen saamaynta falalka amni-darro ee Koonfurta Soomaaliya ka jira.

"Waxaa bilaabanaya howlgallo guri-guri ah ciidamadu waxay tagayaan goob walba oo ka mid ah Garoowe, waxaan farraynaa shacabka Puntland gaar ahaana kuwa ku nool caasimadda inay kala shaqeeyaan adkaynta ammaanka magaalo madaxda ciidamada howlgallada wada," sidaa waxaa yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdi Cali Xirsi Qarjab.

Qarjab waxaa kalo uu xaqiijiyay in heegan sare la galiyay ciidamada ammaanka kuwaasoo amar ku qaba baariytaanka goob kasta oo ay ka shakiyaan, wuxuuna ku daray in wadayaasha gaadiidka shacabka ay ka firsadan cida ay qaadayan, halka sidoo kale uu shacabka ugu yeeray inay la soo xiriiran laamaha ammaanka haddii ay arkaan cid ay uga shaki qabaan wax yeelidda amniga caasimadda.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan soo saaray war uu ku sheegay in Puntland ay il gaar ah ku eegayso dagaalka uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay ee dhanka ka ah Al-shabaab.

Weerarkii Jimcihii lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya wuxuu noqday mid ku yeeshay saameyn dhammaan maamullada dalka ka jira, kuwaasoo muujiyay cabsi ah suuro-galnimada in Al-shabaab ay ka geystan gudaha magaaloyinkooda mid la mid ah weerarkii ay ka fuliyeen madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya